27 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

Gaas, Faroole iyo Jurile oo dalbaday in Puntland looga dambeeyo gurmadka Qardho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, oo uu weheliyo Senetor Jurile oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawlaha gurmadka Qardho.

Faroole, Gaas iyo Jurile, oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa ugu horrayn bogaadiyay dadaallada ay xukuumadda Puntland hormuudka u tahay ee loogu gurmanayo shacabka magaalada Qardho, kadib fatahaaddii khasaaraha badan dhalisay ee halkaasi ka dhacday.

Saddexdooduba waxay cod midaysan ku sheegeen in ay madaxweynaha Puntland ku taageersan yihiin guddiga uu u magacaabay gurmadka shacabka Qardho, ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii ku rogmaday degmadaasi.

Sidoo kale waxay sheegeen in aan marnaba la aqbali karin in guddiyo kale laga dhinac sameeyo guddiga gurmadka Qardho ee dowladdu magacowday, sidaas darteedna cid kasta oo wax bixinaysa ay ku hagaajiso guddiga dowladda Puntland.

Ugu dambyentii waxay u mahad-celiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga soo jawaabtay gurmadka Qardho, islamarkaana Puntland soo gaarsiisay lacag dhan hal milyan oo Dollar.

Isha: Puntland Post

- Advertisement -

Read more

Local News