26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Howl-gallo guri ka guri ah oo ka billowday Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal guri ka guri ah oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ayaa laga billaabay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka, ayada oo kuwa kalena la filayo, sida uu sheegay maamulka amniga gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaada gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo xalay kormeer dhinaca Amniga ah ku tagay degmooyinka Wadajir, Dharkeenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye Tuulax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in degmooyinka ay soo mareen amnigooda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ciidamada ay ka wadeen howlgallo kala duwan.

Tuulax ayaa sidoo kale sheegay in ciidmada Booliska Soomaaliya ay howlgal guri guri ah ka sameeyeen degmada Wadajir ee Gobolka Gobolka Banaadir,  sidoo kalena degmoyinka kale ee gobolka laga sameyn doono.

Howl-galladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, ayada oo guryaha looga baarayo hub iyo shakhsiyaadka la tuhunsan yahay.

Hadalka Gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Mamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmooyinka Gobolka Banaadir waqtiyada habeenkii uu bandow saaran yahay, sababi la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa u muuqday mid kasoo raynaya ayada oo ay yaraadeen qaraxyada iyo dilalka magaalada ka dhacay.

- Advertisement -

Read more

Local News