Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wsaaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, ayada oo militariga ay maalinkii shanaad wadaan dagaal ka socda gobolka Tigrayga.
Abiy Ahmed ayaa shaqo ka eryiddan ku dhawaaqay maanta, ayada oo dagaalka uu kasii darayo, kuna sii riixayo Ethiopia dagaal sokeeye.
Gedu Andargachew, oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda, ayaa waxaa lagu beddelay ra’isal wasaare xigeenka Demeke Mekonen oo noqonaya wasiirka arrimaha dibadda ee dalka isagoo xilkiisii ra’isal wasaare ku xigeenimona sidiisii u haynaya.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada “hadda loo dalacsiiyey taliyaha ciidmada,”, isaga oo beddelay Gen. Adem Mohammed, oo ahaa taliyihii ciidamada.
Madaxweynihii dawlad deegaanka Amxaarada, Temesgen Tiruneh ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo taliyaha sirdoonka dalka, halka Demelasha Gebremichael loo magacaabay in uu nodo taliyaha booslika Federaalka Itoobiya.
Abiy Ahmed ayaa weli wada ololaha uu Arbacadii ku dhowaaqay ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga, inkasta oo ay jiraan codsiyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan inuu wada-hadal la galo xisbiga maamula gobolkaas ee TPLF.
QM ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.
Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka cunno ee la siiyo, halka 1 milyan oo kale ay helaan qaabab kale oo taageero ah, kuwaasi oo dhamaantood la carqaladeeyay.