Sawirro: R/W Rooble oo la kulmay musharaxii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay musharaxii labaad oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, oo ay ka wada-hadleen xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay siyaasiga Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo sidii dalka horumarkiisa wadajir loogu sii amba qaadi lahaa, waxaana is dhaafsanay tallooyin wax dhisaya, xafiiskeyguna waa furan yahay cid walba oo tabasho qabta,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble oo war kasoo saaray kulankaas.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wax walba oo tabasho ah in wada xaajood lagu dhameeyo, isagoona bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta u balan qaaday in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho ku dhacda waqtigeeda.

Waxa kale oo uu xusay in nabad-gelyada dalku ay tahay mas’uuliyad guud oo wada saaran siyaasi iyo shacab, loona baahan yahay in la wada ilaaliyo, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble ayaa maalmihii u dambeeyay ku howlanaa xal u helida khilaafka doorashada ee u dhaxeeya xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo musharaxiinta mucaaridka oo muddooyinkii dambe meel gaaray meel sarre.

Kulankan ayaa noqonaya midkii labaad ee uu la qaato siyaasi ka tirsan midowga musharaxiinta, iyad oo uu shalay gelinkii dambe Madaxtooyada ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn uga soo horjeeda dowladda.

Waxa la filayaa in sidan oo kale maalmaha soo socda uu ula kulmo musharaxiinta madaxweynaha ee ka walaacsan hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda.