Guddoomiye Cumar Filish oo soo saaray digniin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa si adag uga hadlay qashinka lagu soo daadiyo waddoyinka muhiimka ah.

Guddoomiye Filish oo maanta ka qeyb-galay munaasabad xariga looga jarayay dhismaha Bulaacad uu maamulka ka hirgaliyay inta isku xirta isgoyska KM4 ilaa dekadda Qalalan ayaa si ada uga digay qashinka lagu shubayo waddooyinka caasimada.

Waxa uu sheegay in qashinka lagu shubayo waddooyinka ay qeyb weyn ka qaadaneyso nadaafad darrada ka jirta Caasimadda.

Wuxuuna uga digay bulshada inay qeyb ka noqdaan nadaafad darada ka jirta caasimada, isagoona ku baaqay in laga wada-shaqeeyo bilicda magaalada.

Hadalka Guddoomiye Filish ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho ay ka muuqdaan nadaafad darro baahsan, iyada oo indhahagu qabanayaan qashin ku quban.

Waxaa arrintaas looga digay inay horseedi karto caafimaad darro iyo hoos dhac weyn oo ku yimaada bilicda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.