Xog: Maxaa dhacay kulankii CC Shakuur iyo R/W Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa billaabay kulamo siyaasadeed uu la qaadanayo Musharaxiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna 24-kii saac ee la soo dhaafay la kulmay laba Musharax oo kala Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdinaasir Maxamed Cabdulle.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ka hor inta uusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur la kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble uu jiray kulan dhanka Taleefonka ah oo ay wada-qaateen Xubno kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay Golaha u wakiisheen inuu ka qeyb galo kulankaas maadaama aysan badankood ku sugneyn Muqdisho, islamarkaana ay la wadaageen qodobada muhiimka ah ee doorashada Soomaaliya iyo aragtidooda.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegay in Cabdiraxmaan ay ku kalsoon yihiin markii loo eego go’aankiisa kaga aadan qabsoomida doorasho hufan oo dalka ka dhacda. Sidoo kale waa hogaamiyaha ugu miisaanka culus ee ka tirsan Golaha oo hadda ku sugan Muqdisho inkastoo la sheegay in ay jiri doonaan kulamo kale oo lala yeelan doono xubna kale oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay labadooduba shaaciyay in ay kawada hadleen doorashada Soomaaliya islamarkaana ay wadaageen aragtidooda ku aadan qaabka loo dhaqan gelinayo doorashada Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in jiho rasmi ah yeelato doorashada Soomaaliya maadaama waqtiga dowladda ka harsantahay muddo 30 maalmood oo kaliya.