Mahad Salaad: Shantan sifo iyo dhaqan ayey ka siman yihiin Farmaajo iyo Trump

Muqdisho (Caasimada Online)    Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isbar-bar dhig ku sameeyay madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii degaya, Donald Trump iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in Farmaajo iyo Trump ay iska shabahaan dhanka kursi jaceylka iyo kali talisnimada, isla markaana doqonimo u arkaan doorasho xor ah iyo xukun isku dhiibka si nabdoon, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku xusay in labada hogaamiyo ay isku haystaan inay ka caqli badan yihiin dadka oo dhan, jecel yihiina taageerada indho la’aanta ah.

Hoos ka aqriso qoraalka uu Farmaajo iyo Trump isbar-bar dhiga ugu sameeyay Mahad.

Dhaqanka Siyaasadeed iyo Sifooyinka Farmaajo iyo Trump ka simanyihiin:

1. Hal Xisbi ayay ka wada tirsanaayeen, Doorasho xor ah iyo xukunka oo si nabad ah la isugu dhiibana doqonimo ayay u arkaan. Kursi Jacaylka iyo Kaligii Taliyenimaduna waa u sii dheertahay.

2. Dadka oo dhan in ay ka caqli badanyihiin ayay isku heystaan, in wax laga sheegana dambi ayay u arkaan, shar iyo kheyr wixii ay la yimaadaana in lagu taageero ayay jecelyihiin.

3. Dadka taageera waxay u badanyihiin CARUUR IYO CAAMO aaminsan sheekooyin khurraafi ah oo aaminsan in ay yihiin Owliyo Ilaahey iyaga u soo diray, hadii aan la adeecina balaayo aan la arag oo la maqal dalka iyo dadka ku dhacayso, dibna loo noqonayo boqolaal sano.

4. Qabyaaladeynta, kala qaybinta bulshada, dadkoo qowmiyado iyo qolo qolo la isugu diro iyo kuwa xididka la ah oo awoodda dowladnimo lagu naasnuujiyo.

5. Labadoodaba waxa loo dhiibay dal dimuquraadi ah oo si nabad ah xukunka la isugu dhiibo, maanta waxa laga dhexlayaa dal qowmiyad iyo qabiil qabiil qoorta iskula jira, hay’adihii dowlada laga aamin baxay, haybadii dowladnimadana ay burburtay!

Maraykanku waa dal hay’ado dowladeed oo sal adag u dhisanyihiin, lkn Farmaajo hada waxa uu ka shaqaynayaa nidaamka dowladeed curdunka ah ee noo dhisan in uu naga dumiyo, dalka iyo dadkana dagaal sokeeye ku qasbo, kadibna diyaarad ka raaco!

Hon. Mahad Salad