Wararkii ugu dambeeyey weeraro ka dhacay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro culus ka fuliyeen degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa xigay dagaallo dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dalka Jabuuti.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarkaka dhacay degmada Buulo-Burte lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga oo lagu magacaabo, Axmed Faarax Booniye iyo sidoo kale askari kale oo ka tirsan isla ciidamada dowladda.

Sidoo kale weerarka labaad oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa dhaliyey iska hor imaad dhex-maray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa wadanka Jabuuti & Al-Shabaab, kaas oo la’isku hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa rasaasta labada dhinac.

Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay degmooyinka Buulo-Burte & Jalalaqsi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.