Guddiga kheyraadka ee BF oo diiday xil ka qaadistii guddoomiye Ibraahim Cali

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kheyraadka ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sharic darro ku tilmaamay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen, kaas oo xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa qoraalkan Ra’iisul wasaare Rooble uga dalbaday in arrintaan uu dib ugu noqdo, maadaama xilka guddoomiyaha looga qaaday shirka golaha wasiiirrada 21-kii bishii Janaayo, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah.

“Guddiga kheyraadka Dabiicigaa & Bii’ada ee baarlamaanka federaalka waxaa soo gaartay khilaaf xoog leh oo mudo ka dhexjiray hay’adda Betroolka Soomaaliya iyo Wasiirka Batroolka, kaas oo ku saabsanaa kala madaxbanaanshaha hay’adda iyo wasaaradda, taas oo gabagabadii sababtay in xilkii laga qaaday gudoomiyihii hay’adda, xubinimadii guddigana laga saaray si aan sharciga waafaqsaneen” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

“Guddiga asagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku xusan Qodobada kala duwan dastuurka. Guddiga wuxuu soo saray qodobadan hoos ku xusan.”

  1. Arimaha la Xiriira xil ka qaadista:
  2. Guddiga markuu si qotodheer uga baaraandagay qodobada 116 (A iyo B) ee Dastuurka JFS, Xeer Madaxweyne Lr. 328 ee 22/11/2020 (Fiiri Lifaaqa 3aad) iyo Qod.19(3),(x) ee Sharciga Betroolka, Dhageysanay jawaabihii iyo warbixintii wasiirka ee la xiriiray xil ka qaadista Gudoomiyaha Hay’adda, guddiga waxaa u cadaatay in xil iyo xubin ka qaadistii loo geystay Guddoomiyaha Hay’adda aysan ku fadhinin wax sabab ah oo maangal ah oo sharciga waafaqsan.
  3. Sidaas daraadeed, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka waxaa xaq sharci ah loogu leeyahay in arintaan uu dib u eegis ku sameeyo gudoomiyahana loo fasaxo in uu shaqadiisa sii wato si loo ilaaliyo kalsoonida Golaha sare ee Kheyraadka Dalka (Dawlad Goboleedyada) iyo Kalsoonida Maalgashadayaasha Caalamiga ah (Shirkadaha).
  4. Guddiga waxaa u muuqday in Wasaaraddu ku takrifal awoodeed ku qaadatay xilkii Hay’adda Betroolka Soomaaliyeed sida ku cad qod. 19 (14), Qod. 20aad, Qod 24aad (1), (2) ee Sharciga Batroolka JFS sidaa daraadeed waxaa la xasuusinayaa Ra’iisul wasaaraha JFS in uu si adag u korjoogteeyo uuna xaqiijiyo madaxbanaanida Hay’adda iyo in ay ka dhex abuuranto HBS iyo Wasaaradda xiriir iskaashi iyo wadashaqeyn damaanaq qaadaya Danta Guud iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalka.
  5. Arimaha Miisaaniyadda:
  6. a) Waxaa la farayaa Hantidhawraha Guud ee Qaranka in uu soo xaqiijiyo lacagtii 28% aheed ee la hubiyay in ay ka maqantahay gunada xubnaha Hay’adda Betroolka ee lagu ansixiyay miisaaniyadii ku celiska aheed ee 2020.
  7. b) Miisaaniyaddii 2021 ee Golaha Shacabka u ansixiyay Hay’adda Batroolka Soomaaloyeed madax maaliyadeed u madax banaantahay (Fiiri Lifaaqa 2aad) ayaa Wasiirka Betroolka si aan waafaqsaneyn xeerka Miisaaniyadda iyo shuruucda dalka kula soo wareegay miisaaniyadii sidaas daraadeed Waxaa la farayaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda in qoondada Miisaaniyadii 2021 ee loo ansixiyay HBS uu dib uga soo celiyo kuna dhaqangaliyo siduu Golaha Shacabka ku ansixiyay.
  8. Guddigu wuxuu yaqiinsaday inay wasaaradda ka tageen ama shaqada laga eryay (Arag lifaaqa 4aad) mas’uuliyiin iyo khubaro ku xeel dheeraa arrimaha batroolka iyo maalmulkooda, wasaaradiina aqoon guur ku dhacay {Institutional Memory Lost} sidaas daraadeed waxaa Ra’iisul wasaraha lagula talinayaa in uu u kuurgalo habsami u socodka xiriirka shaqo ee u dhaxeeya quburada aan wasaaradda looga maarmin iyo Wasiirka

Wasaaradda Batroolka.

  1. Guddigu wuxuu yaqiinsaday saacada yar ka dib, markii lagu dhawaaqay xil ka qaadista Guddoomiyaha HBS in wasaaraaddu xirtay Mareegtii (Website) Hay’adda iyo Cinwaanadii (E-mail accounts) ee Guddiga Maamulka Hay’adda xilli ay socoto wadaxaajoodka iyo ku qancinta maalgashadayaasha in ay Dalka maalgashadaan. Sidaa daraadeed guddiga wuxuu farayaa Wasiirka Batroolka iyo Macdanta in uu si degdeg ah u furo Mareegtii (Website) Hay’adda, ciddii falkaas ka dambeysayna lagula xisaabtamo

(Arag lifaaqa 5aad).

  1. Maadaama uu dhamaaday mudo xileedkii Xukuumadda, xili doorashana lagu jiro, xeer nidaamiyayaashii sharciga Batroolka JFS farayay in la sameeyo aan weli la diyaarin (sida Fiscal regime, Environmental law, License Bill and others) sida ku cad Qod. 45 ee Sharciga Batroolka, sidaas daraadeed guddiga kheyraadka wxuu Ra’iisul wasaaraha JFS kula talinayaa in uusan ogolaanin in heshiis shidaal la galo si feejigana uga ilaaliyo in ay wasaaradda gasho heshiisyo calami ah oo aan waafaqsaneen danta guud , Qatarna galin kara ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka.