Al-Shabab oo weerar culus ka fulisay degmada Balcad

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhex ayaa sheegaya in xalay weerar iyo dagaal toos ah uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi.

Weerarka oo qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihin dhanka waqooyi e degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in weerarka kaddib uu dagaal toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee degmada Balcad.

Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo howl-gallo ka wada halkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliso inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.