Saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey + Magacyada

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed oo xalay laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolkaasi lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ay si wadajir u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka ayaa waxaa lala bartilmaameedsay goono ay ku sugnaayeen saraakiisha oo ku yaalla tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoosta deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi dhanka cirka lagu dilay illaa 3 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Khaalid Cabdulaahi oo qaabilsanaa dhanka canshuurta, iyo Macalin yuusuf oo ka mid ahaa amniyaadka ka howl-gala gobolka Shabeelaha Hoose .

Sidoo kale warka kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa dagaallame oo la joogay hoggaamiyeyaasha la khaarijiyey.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi la sheegay in khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyey.

Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si aad ah u xoojiyey howl-gallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.