27 C
Mogadishu
Wednesday, July 15, 2026

Aadan Madoobe oo afar qodob hordhigay Golihiisa Wasiirrada + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta macsalaameeyay Wasiirradii hore ee maamulka, isaga oo kuwa cusubna hordhigay 4 qodob oo xasaasi ah.

Aadan Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay golaha xukuumaddii hore ayaa uga mahadceliyey doorkii ay ka soo qaateen dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in dowladdu ay ka faa’iideysan doonto khibradaha iyo talooyinka masuuliyiinta hore si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee dowladnimada.

Dhankooda Wasiiraddii hore ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub, iyaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarka deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan kale oo gaar ah la yeeshay Wasiirrada cusub ee Koonfur Galbeed ee uu dhowaan magacaabay, isaga oo kala hadlay dardar-gelinta howlaha horyaalla xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo kulanka  diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wasiirrada, dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga, isla markaana la isku waafajiyo qorsheyaasha Wasaaradaha si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.

Intaas kadib Aadan Madoobe ayaa Golihiisa Wasiirrada kula dardaarmay 4 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kala inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, sidoo kale mudnaan in ay siiyaan deegga bulshada, isla-xisaabtanka, iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee Dowladda.

Ugu dambeyn, Wasiirrada magacaaban ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyey, waxayna ballanqaadeen inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha Dowladda, kor u qaadidda adeegyada bulshada, iyo xaqiijinta himilooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News