Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ugu baaqay inuu bilaabo in ciidamada Israel dib looga soo daadgureeyo dhulka Suuriya, isla markaana uu qaado tallaabo la mid ah oo ku saabsan koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Israeli ah.
Trump ayaa codsigan u gudbiyey Netanyahu intii lagu jiray wada-hadal telefoon oo dhexmaray Khamiistii, waxaana uu uga digay in joogitaanka ciidamada Israel ee gudaha Suuriya uu sii hurin karo xiisadaha, isla markaana uu sababi karo isku dhac cusub oo gobolka ka qarxa.
“Dadka halkaas jooga ma doonayaan joogitaankiinna. Waa inaad ciidamadiinna dib u daadgureysaan,” ayuu Trump ku yiri Netanyahu, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo xog-ogaal u ahaa wada-hadalka.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Trump uu Netanyahu u gudbiyey farriin la mid ah oo ku saabsan ciidamada Israel ee ku sugan gudaha Lubnaan.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel ayaa xaqiijiyey in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xaaladda xuduudaha, balse waxa uu sheegay in Netanyahu uu ku adkeystay muhiimadda ay dowladdiisu siineyso sameynta aagag ammaan oo ku teedsan xuduudaha Israel.
“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu dhankiisa soo bandhigay baahida loo qabo aagag ammaan oo ku yaalla xuduudaha Israel,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Netanyahu.
Israel ayaa hadda ciidamo ku leh qeybo ka mid ah koonfurta Suuriya iyo koonfurta Lubnaan, iyadoo dowladda Netanyahu ay ku dooddo in joogitaankaas uu lagama maarmaan u yahay ka hortagga weerar kale oo la mid ah kii Xamaas ay Israel ku qaaday 7-dii October 2023.
Sidoo kale, xubno sare oo ka tirsan xukuumadda Israel ayaa doonaya in ciidamadu muddo aan xadidneyn sii joogaan deegaannadaas. Siyaasiyiinta garabka midig qaarkood ayaa xitaa taageeray in degsiimooyin Yuhuud ah laga dhiso dhulalka ay ciidamada Israel ka qabsadeen Suuriya.
Codsiga Trump ayaa cadaadis cusub saaraya Netanyahu, xilli ay saddex bilood ka harsan yihiin doorasho si weyn u saameyn karta mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo dacwadaha musuq-maasuqa ee muddada dheer ku socday.
Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu ka fogaado tallaabo kasta oo weyn oo lagu dhimayo joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya, ama oggolaado ka bixitaan dheeraad ah oo ka dhaca Lubnaan, marka laga reebo qorshe xaddidan oo uu horey u aqbalay.
Wada-hadalka Trump iyo Netanyahu ayaa dhacay maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu kulan la yeeshay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharca, xilli ay ka qeybgalayeen shir madaxeedka NATO oo ka dhacay Turkiga.
Maamulka Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu doonayo in heshiis amni oo cusub laga dhex abuuro Israel iyo Suuriya. Hase yeeshee, saraakiisha Mareykanka ayaa ugu dambeyn ku qancay in Netanyahu uusan diyaar u ahayn tanaasulaadka ay Washington u aragto kuwa lagama maarmaanka u ah heshiiska.
Tanaasulaadkaas waxaa ka mid ahaa in ciidamada Israel si tartiib-tartiib ah uga baxaan dhulka Suuriya ee ay qabsadeen kadib burburkii dowladdii Bashar al-Assad bishii December 2024.
Toddobaadyadii ugu dambeeyey, qeybo ka mid ah koonfurta Suuriya waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Israel. Dadka deegaanka ayaa dhowr jeer ay isku dhaceen askarta Israel, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad ballaaran.
Dhanka Lubnaan, dhexdhexaadiyayaal Mareykan ah ayaa Talaadadii magaalada Rome kula kulmay diblomaasiyiin ka kala socday Israel iyo Lubnaan, si looga wada-hadlo dhaqan-gelinta heshiis ay labada dhinac saxiixeen dhowr toddobaad ka hor.
Heshiiskaas ayaa dhigaya in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo laba goobood oo tijaabo ah oo ay hadda ka joogaan koonfurta Lubnaan, kadibna ay halkaas ku wareejiso ciidamada dowladda Lubnaan.
Si kastaba, ciidamada Israel ayaan weli ka bixin labadaas goobood. Dowladda Lubnaan ayaa dalbatay in geeddi-socodka bixitaanka si degdeg ah loo bilaabo, isla markaana la soo bandhigo jadwal cad oo lagu fulinayo ka bixitaanno dheeraad ah.
Saraakiisha Israel ayaa sheegaya inay doonayaan in ciidamadoodu marka hore xaqiijiyaan in goobaha lagu heshiiyey laga saaray hubka iyo kaabeyaasha militari ee ururka Xisbullah, kahor inta aan loo gudbin aagag kale.
Dowladda Lubnaan ayaa taas ka hor timid, iyadoo ku adkeysatay in ciidamada Mareykanka ama koox dhexdhexaad ah ay qiimeeyaan in goobahaas laga saaray hubka Xisbullah iyo in kale.
Aqalka Cad ayaa ka gaabsaday inuu si rasmi ah uga hadlo faahfaahinta wada-hadalka Trump iyo Netanyahu, balse ma uusan beenin xogta ku saabsan in madaxweynaha Mareykanka uu dalbaday in ciidamada Israel dib loo daadgureeyo.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Trump iyo Netanyahu ay leeyihiin xiriir wanaagsan, isla markaana Israel ay weli tahay xulafada muhiimka ah ee Mareykanka.
“Madaxweyne Trump wuxuu xiriir xooggan la leeyahay ra’iisul wasaare Netanyahu, Israel-na mar walba waxay xulafo weyn u ahayd Mareykanka,” ayuu yiri sarkaalka.
Baaqa Trump ayaa muujinaya kala duwanaansho sii kordhaya oo u dhexeeya Washington iyo xukuumadda Netanyahu, gaar ahaan qaabka loo wajahayo dhulalka ay ciidamada Israel ka haystaan Suuriya iyo Lubnaan iyo dadaallada Mareykanka ee lagu doonayo in looga hortago dagaal kale oo gobolka ka qarxa.

