25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Xogta arrimaha weli la isku hayo kadib markii la isku raacay doorasho toos ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa si guud uga mideysan in dalka loo jiheeyo doorasho toos ah, lagana gudbo doorashadii dadbaneyd ee muddada dheer lagu soo dhaqmay.

Inkastoo weli ay socdaan wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan qaabka loo wajahayo doorashooyinka qof iyo codka ah, haddana waxaa taagan khilaafyo siyaasadeed iyo aragtiyo is-diiddan oo ku saabsan hannaanka loo marayo hirgelintooda.

Haddaba maxaa khaldan haddii la’isku raacsan yahay doorasho dadweyne?

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Yarey oo wareysi siisay Somali Cable Tv, ayaa sheegtay in go’aan ka gaarista nooca doorashada aysan adkayn, balse caqabadda dhabta ahi ay tahay sida loo hirgelinayo.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in hannaankii lagu dhisay geeddi-socodka doorashada uu markii horeba lahaa khaladaad, kuwaas oo sida ay sheegtay horseeday in khilaafka siyaasadeed uu sii daba dheeraado.

“In go’aan la gaaro oo doorasho la qabto waa iska sahlan tahay wax micno wayna kuma fadhido, laakiin waxaa la gefay doorashada sidee loo hirgelinayaa?, sidee noqoneysaa?, xaggee loo maraa?” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka oo la waydiiyay ‘Maxaa soo cel-celiyay murannada doorashada ayaa ku jawaabtay “Aas-aaskeeda ayaa khalad ahaa haddii aas-aaskeeda saxan yahay muran kama imaadeen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay isku diyaarinayso go’aanno muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo qabashada doorashooyin dadweyne oo toos ah.

Inkastoo weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habraacyada lagu maamulayo doorashada, haddana xogaha la helayo waxay muujinayaan in inta badan dhinacyada siyaasadeed ay isku raacsan yihiin muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay u gudubto doorasho qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News