25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Daawo: Soomaaliya oo war culus kasoo saartay xaaladda dalka Yemen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda kasoo cusboonaatay gudaha dalka Yemen, kadib markii dowladda caalamku aqoonsan yahay dakaas ee uu taageero Sacuudiga, ay qaaday weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta.

Danjire Maxamed Rabiic, oo ka tirsan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay dagaalka Yemen, isaga oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in dagaal dibadda laga soo abaabulo dalkaas oo muddo dheer wajahayay xasilooni-darro gudaha ah.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in xaaladda dalka Yemen iyo xalkeeda looga dambeeyo shacabka dalkaasi, fursadna loo siiyo in iyagu ay gaaraan go’aanka kama dambeysta ah.

“In Yemen loo soo waarido dagaal dibadda ah ma ahan wax la aqbali karo, waxaan ku baaqeynaa in xalka xaaladda dalkaasi looga dambeeyo dadka reer Yemen, iyagoo kaashanaya Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Maxamed Rabiic.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay xaaladaha kasii darayo ee Yemen, gaar ahaan dhibaatada ay wajahayaan shaqaalaha gargaarka e u xiran kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi.

Ugu dambeyn, Danjire Maxamed Rabiic ayaa ku baaqay in la ilaaliyo madaxbannaanida dalkaasi, sidoo kalena ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan dhinacyada is haya, si loo gaaro xal waaro.

“Waxaan sidoo kale ka xunahay shaqaalaha arrimaha Binu Aadanimada ee u xiran Xuuttiyiinta, waxaan ku baaqeynaa in dhinacyada is haya ay iskugu yimaadaan Miiska wada hadalka” ayuu sii raaciyay Danjiruhu

Hadalka DFS ayaa kusoo aadayo, iyada oo weerarkii ugu weynaa shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Sanca, xilli diyaarad ay leedahay shirkadda Mahan Air ee laga leeyahay Iiraan ay isku dayaysay inay halkaas ka dejiso wafdi ka tirsan Xuutiyiinta oo ka soo laabtay aaska hoggaamiye sare oo Iiraan ah.

Dowladda Yemen ayaa dhankeeda sheegtay inay ka hortagtay diyaaradda, iyadoo ku doodday inay ka jawaabayso xad-gudub ay Iiraan ku hayso hawada dalka.

Kadib weerarkii Sanca, afhayeenka garabka militariga Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa isna sheegay in weerarkaas uu “soo afjaray marxaladdii xabbad-joojinta,” isagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan jawaab militari oo ka dhan ah dowladda Yemen iyo Sacuudiga. Saacado uun kadib, Xuutiyiintu waxay dhankooda bilaabeen weerarro gantaallo ah oo ay ku beegsadeen gudaha Sacuudiga. Wararka ayaa sheegaya in gantaallo lagu weeraray saldhigga ciidamada cirka ee Boqor Khaalid, halkaas oo qiiq laga arkay, waxaana sidoo kale la beegsaday garoonka diyaaradaha Abha oo ku yaalla koonfur-galbeed Sacuudiga, meel qiyaastii 120KM u jirta xadka Yemen.

- Advertisement -

Read more

Local News