Islamabad (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan doceedyo la yeelatay madax iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha iyo dowladaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka (OIC) intii uu ka socday magaalada Islamabad shirka haweenka Islaamka.
Wasiirka ayaa kulan doceedyada la qaadatay agaasimaha fulinta Guddiga Madaxbannaan ee Joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha ee OIC (IPHRC), wasiirka shaqada iyo amniga bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga Waqooyiga Qubrus (TRNC) iyo agaasimaha guud ee xarunta cilmi-baarista iyo tababarka dhaqaalaha, bulshada iyo tirakoobka ee dalalka Islaamka (SESRIC).
Sidoo kale, kulamadan waxaa qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha haweenka, carruurta iyo daryeelka bulshada ee Bangladesh, guddoomiyaha golaha qaranka haweenka ee Masar iyo xoghayaha guud ee golaha arrimaha qoyska ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Intii ay socdeen kulamadu, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah (OIC), gaar ahaan dhinacyada horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqul insaanka, awood-siinta haweenka, daryeelka carruurta, horumarinta bulshada iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta.
Kulamadu waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad ku saabsan sii ballaarinta iskaashiga iyo kor u qaadidda wada-shaqeyn miro-dhal ah oo wax ka tari doonta horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada mudnaanta u leh Soomaaliya.
Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale ka qeyb gashay kulamo kale oo lagu xoojinayay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyadoo xoogga lagu saaray sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada bulshada iyo adeegyada la xiriira qoyska.
Wasiir Khadiijo waxaa kulamada ku weheliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.












