27.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

DF iyo inta badan mucaaradka oo isku raacay doorasho dadweyne – Maxaa kale oo la isku haya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka ayaa haatan ku mideysan doorasho qof iyo cod kadib wada-hadallo xasaasi ah oo garwadeen ka tahay beesha caalamka oo yeesheen dhinacyadu.

Dowladda Federaalka iyo laba garab oo mucaaradka ayaa isku raacay in Soomaaliya ay u gudubto doorasho toos ah oo ku saleysan nidaamka axsaabta siyaasadeed, taas oo lagu beddelayo hannaankii doorashooyinka dadban ee dalka looga dhaqmi jiray sanadihii lasoo dhaafay.

Dhinacyadan ayaa la sheegay inay isla qaateen in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka uu noqdo hay’adda mas’uulka ka ah maamulka iyo qabashada doorashada, iyadoo la raacayo hannaan sharciyeed oo waafaqsan doorashada qof iyo cod.

Hase yeeshee, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa weli qaba aragti ka duwan tan ay isla qaateen Dowladda Federaalka iyo labada garab ee mucaaradka, inkastoo uu taageersan yahay doorasho dadweyne.

Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in la qabto waxa uu ugu yeeray “doorasho qofaysan”, isla markaana la dhiso guddi doorasho oo laba heer ah, kaas oo ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in qodobada kale ee weli laga doodayo ay ka mid yihiin tirada goobaha laga qabanayo doorashada, qaabka loo ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 inta lagu jiro marxaladda kala-guurka, iyo arrimo kale oo farsamo oo la xiriira hirgelinta doorashada, balse si guud dood kama taagna in doorashadu noqoto mid dadweyne.

Sida ay xoguhu muujinayaan, qodobadaasi looma arko kuwo caqabad weyn ku noqon kara heshiiska guud, waxaana la filayaa in dhinacyadu ay si fudud uga gaaraan is-afgarad marka la soo gaba-gabeeyo wada-hadallada socda.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo saldhig u noqda hannaanka doorashooyinka dalka.

Tani waxay ku soo aadaysaa xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso go’aanno muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo qabashada doorashooyin toos ah.

Inkastoo weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habraacyada lagu maamulayo doorashada, haddana xogaha la helayo waxay muujinayaan in inta badan dhinacyada siyaasadeed ay isku raacsan yihiin muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay u gudubto doorasho qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News