26.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Maxkamad dil ku xukuntay hoggaamiyaha RSF iyo saraakiil sare

Bookmark
Bookmarked

Share

Khartoum (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Port Sudan ee ay maamusho dowladda Suudaan ayaa dil ku xukuntay hoggaamiyaha ciidamada gurmadka degdegga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti) kadib markii lagu helay dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha iyo xasuuq la xiriira tacaddiyo ka dhacay gobolka Galbeedka Daarfuur.

Xukunka ayaa lagu riday Hemedti isagoo maqan, maadaama uu weli hoggaaminayo ciidamada RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suudaan.

Maxkamaddu waxay sidoo kale isla xukunka dilka ah ku ridday 15 xubnood oo kale oo ka tirsan hoggaanka sare ee RSF, kuwaas oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen falalka lagu soo oogay.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, dacwaddu waxay salka ku haysaa xad-gudubyo culus oo ka dhacay magaalada El Geneina bishii Juun 2023, xilli gobolka Galbeedka Daarfuur uu martigelinayay dagaallo xooggan oo sababay dhimasho iyo barakac ballaaran.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in eedeysanayaashu ay qorsheeyeen isla markaana fuliyeen weerarro si ula kac ah loogu beegsaday shacabka rayidka ah, kuwaas oo ay ku jireen dilal, burbur hantiyeed iyo bililiqo baahsan. Waxa kale oo lagu eedeeyay inay bartilmaameedsadeen iskuullo, goobaha cibaadada iyo xaafado ay dad rayid ahi degganaayeen.

Hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo Qaramada Midoobay ayaa hore u diiwaangeliyay eedeymo la xiriira tacaddiyo ka dhacay Daarfuur tan iyo markii uu dagaalka Suudaan billowday bishii Abriil 2023, iyadoo labada dhinac ee dagaallamaya lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah shacabka rayidka ah.

Dhanka kale, ciidamada RSF ayaan weli wax war ah kasoo saarin xukunkan ay ridday maxkamadda ku taalla Port Sudan. Si kastaba, kooxda ayaa marar badan hore u beenisay eedeymaha la xiriira dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha ee loo jeediyay.

Xukunka dilka ah ee lagu riday Hemedti iyo saraakiisha kale ee RSF ayaa imanaya xilli dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF uu weli ka socdo qaybo badan oo dalkaas ah, iyadoo colaaddaasi sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu waaweyn dunida, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Read more

Local News