25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Sidee Israel Ahmadinejad uga dhigtay jaajuus, uguna diyaarisay madaxweynenimo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Israel ayaa muddo sanado ah si qarsoodi ah ula shaqeyneysay madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad, iyadoo ka dhigtay jaajuus la shaqeeya una diyaarineysay inuu mustaqbalka dib u hoggaamiyo Iran, haddii nidaamka hadda jira la rido, sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Israel ee Mossad ay Ahmadinejad kula kulmeen dalal dibadda ah dhowr jeer, isla markaana ay siiyeen lacag ka caawisa kharashaadka la xiriira hoygiisa iyo safarradiisa.

Xiriirkaas oo ahaa mid aad u qarsoodi ah ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay bishii Febraayo ee sanadkan, xilligaas oo la sheegay in xubno ka tirsan Mossad ay Axmedinejad ka saareen gurigiisa magaalada Tehran, ayna geeyeen guri ammaan ah oo qarsoodi ah.

Howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa qorshe ballaaran oo lagu doonayey in lagu rido nidaamka Iran, looguna soo celiyo Axmedinejad awoodda, balse qorshahaas ayaa ugu dambeyn fashilmay.

Sida ay wargeyska u sheegeen afar sarkaal oo sare oo Iranian ah, Axmedinejad ayaa hadda ku jira gacanta waaxda sirdoonka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, waxaana lagu hayaa xabsi guri kadib markii dowladda Iran ay ogaatay inta badan xiriirkii uu la lahaa Israel.

Israel iyo Iran midkoodna si rasmi ah ugama hadlin warbixintan. Mossad kama jawaabin codsi faallo ah oo uu wargeysku u diray, halka afhayeenka Axmedinejad, Ali Akbar Javanfekr, uu isna diiday inuu ka hadlo arrinta.

Kulamadii Budapest

Qeyb muhiim ah oo xiriirka Axmedinejad iyo sirdoonka Israel ah ayaa ka dhacday dalka Hungary, gaar ahaan jaamacad ku taalla magaalada Budapest.

Bilowgii sanadkii 2024, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Hungary ayaa la xiriiray Gergely Deli, oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Ludovika.

Sarkaalka ayaa ka codsaday inuu jaamacadda ku qabto shir ku saabsan isbeddelka cimilada, islamarkaana lagu casuumo madaxweynihii hore ee Iran.

Deli ayaa sheegay in loo sheegay in shirku uu yahay dabool, halka ujeeddada dhabta ah ay ahayd in Axmedinejad uu si qarsoodi ah ula kulmo saraakiil sirdoon oo Israeli ah.

Guddoomiyaha jaamacadda ayaa qirtay inuu ogaa in martiqaadka Axmedinejad uu dhaawici karo sumcaddiisa iyo tan jaamacadda, balse wuxuu rumeysnaa in kulanka labada dhinac uu badbaadin karo nafaf.

“Marka aad haysato laba cadow oo doonaya inay wada hadlaan, waxa ugu wanaagsan waa inaad ku caawiso inay wada hadlaan,” ayuu u sheegay wargeyska.

Axmedinejad ayaa tegay Budapest sanadkii 2024, halkaas oo la sheegay inuu kula kulmay David Barnea, oo xilligaas madax ka ahaa hay’adda sirdoonka dibadda Israel ee Mossad.

Saraakiil Mareykan ah oo hore xilal u soo qabtay ayaa sheegay in Barnea uu si gaar ah ugu safray Hungary si uu ula kulmo Axmedinejad.

Wax yar kadib, Mossad ayaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ku wargelisay inay xiriir la sameysay madaxweynihii hore ee Iran.

Axmedinejad ayaa mar kale Budapest ku laabtay bishii Juun 2025, maalmo kahor inta aysan Israel dagaal ka bilaabin Iran.

Ilaaladiisa Iranian-ka ah ayaa sheegay inuu laba jeer ka dhuuntay ciidamadii la socday, isla markaana uu saacado badan ku maqnaa kulamo aan la ogeyn.

Markii ay weydiiyeen halka uu aaday, wuxuu u sheegay inuu la kulmayay macallimiin jaamacadeed, sida ay sheegeen saraakiil Iranian ah oo xogta kulamadaas la socday.

Isbeddel siyaasadeed

Axmedinejad wuxuu madaxweyne ka ahaa Iran intii u dhaxeysay 2005 iyo 2013, wuxuuna waqtigaas kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday Israel.

Wuxuu si joogto ah u weerari jiray dowladda Israel, wuxuuna su’aal gelin jiray xasuuqii Holocaust-ka, halka dowladdiisuna ay ballaarisay barnaamijka kobcinta uranium-ka Iran.

Laakiin sanadihii kadib markii uu xilka ka degay, Axmedinejad wuxuu bilaabay inuu yareeyo hadalladii ka dhanka ahaa Israel, isla markaana uu isu muujiyo siyaasi dhexdhexaad ah oo dhaliilsan madaxda Iran.

Wuxuu si joogto ah u cambaareyn jiray musuq-maasuqa madaxda sare, wuxuuna dhaliili jiray qaabka ay ciidamada ammaanku ula dhaqmaan dadka mudaharaadaya.

Sidoo kale wuxuu maalin kasta xafiiskiisa kula kulmi jiray dadweyne cabashooyin qaba, isagoo mararka qaar waraaqo u qori jiray wasaaradaha si loo caawiyo dadkaas.

Isbeddelka muuqaalkiisa ayaa isna aad loo dareemay. Wuxuu ka tagay jaakaddii ballaarneyd ee lagu yaqaanay, wuxuuna bilaabay inuu xirto suudad si fiican loo tolay, isaga oo garkiisana hagaajiyey, isla markaana bartay afka Ingiriiska.

Si kastaba, hamigiisa siyaasadeed ma dhammaan. Axmedinejad wuxuu weli taageero ku dhex lahaa qayb kamid ah dadka shaqaalaha ah iyo reer miyiga Iran, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray gobollada dalka si uu u ilaashado taageerayaashiisa.

Laakiin Golaha Ilaalinta Dastuurka Iran ayaa saddex jeer ka hor istaagay inuu mar kale u tartamo madaxtinimada, sanadihii 2017, 2021 iyo 2024.

Qof kamid ah dadka sida dhow ula shaqeeya ayaa wargeyska u sheegay in Axmedinejad uu ugu dambeyn rumeystay inuusan mar kale awoodda ku soo laaban karin inta nidaamka hadda jira uu sii jiro.

Wuxuu dhowr kamid ah saaxiibadiisa u sheegay inuu doonayo inuu mustaqbalka noqdo hoggaamiyaha Iran, isagoo taageero ka helaya quwado shisheeye.

Sida warbixinta lagu sheegay, Axmedinejad wuxuu isku tilmaamay qof cayaari kara door la mid ah kii Boris Yeltsin ee burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Waxaa kale oo la sheegay inuu saaxiibadiisa u sheegay in haddii uu xukunka qabto, Iran ay aqoonsan doonto Israel, kuna biiri doonto heshiisyada Abraham Accords ee uu hormuudka ka yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Abdolreza Davari oo horey la-taliye sare ugu ahaa Axmedinejad, balse markii dambe ay isku dhaceen ayaa sheegay in madaxweynihii hore uusan arrintan lacag darteed u sameyn lahayn.

“Axmedinejad arrintan lacag uma sameynayo. Wuxuu u sameynayaa awood. Wuxuu doonayaa inuu mar kale hoggaanka qabto,” ayuu yiri.

Shaki sii kordhay

Sirdoonka Iran ayaa muddo hore bilaabay inuu ka shakiyo safarrada dibadda iyo xiriirrada Axmedinejad.

Shakigaas ayaa sii kordhay kadib markii uu waraaqo furan u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman.

Saraakiisha Iran ayaa sidoo kale si dhow ula socday safarradiisa uu ku tegi jiray dalal xiriir wanaagsan la leh Israel.

Waxaa la sheegay in xiriirkii ugu horreeyay ee sirdoonka Israel iyo Axmedinejad uu dhici karay sanadkii 2023, markii uu u safray Guatemala si uu uga qeyb-galo shir la xiriira arrimaha deegaanka.

Ciidamada ammaanka Iran ayaa markii hore ka hor istaagay inuu raaco diyaaradda, balse wuxuu garoonka diyaaradaha Tehran ka sameeyay fadhi saacado qaatay.

Muuqaallo uu baraha bulshada kusoo bandhigay ayaa muujinayey isagoo sawirro la galaya rakaab iyo shaqaalaha garoonka, ka hor inta aan ugu dambeyn loo oggolaan inuu safro.

Howlgalkii Tehran

Qorshaha Israel ayaa galay marxaladdii ugu weynayd 28-kii Febraayo, maalmaha hore ee dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran.

Duqeyn Israeli ah ayaa lagu garaacay xarunta uu Axmedinejad ka deganaa Tehran, iyadoo la beegsaday dhisme ay joogeen ilaaladiisa iyo gaari gaashaaman oo uu lahaa, sida ay sheegeen afar sarkaal oo sare oo Iran ah.

Wax yar kadib, gaari madow oo nooca Peugeot ah ayaa goobta yimid, wuxuuna qaaday Axmedinejad isaga oo xawaare sare uga baxay goobta.

Saraakiil Mareykan iyo Iranian ah oo xog ogaal u ahaa howlgalka ayaa sheegay in gaariga ay wadeen xubno ka tirsan Mossad, kuwaas oo geeyay guri ammaan ah oo qarsoodi ah oo ku yaalla gudaha Iran.

Howlgalka ayaa si ku-meel-gaar ah uga saaray gacanta iyo ilaalada Ciidamada Ilaalada Kacaanka. Israel ayaa qorsheyneysay inay Axmedinejad u diyaariso door hoggaamineed haddii dowladda Iran ay burburto.

Laakiin sida warbixintu sheegtay, Axmedinejad ayaa ka carooday qaabka degdegga iyo jahwareerka leh ee loo soo saaray, wuxuuna bilaabay inuu ka quusto qorshaha Israel ee lagu doonayey inuu mar kale xukunka qabto.

Ugu dambeyn wuxuu ka baxay gurigii qarsoodiga ahaa, inkastoo aan weli si cad loo ogeyn sida uu uga baxay iyo cidda ka caawisay. Sidoo kale lama oga inuu isagu si iskiis ah uga baxay, inuu ka laabtay heshiiska ama inay ciidamada Iran dib u qabteen.

Qorshe fashilmay

Sirdoonka Iran ayaa markii dambe isku xiray xogta ku saabsan xiriirka Axmedinejad iyo Israel.

Saraakiisha Iran ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka ay hadda ku hayaan xabsi guri.

Axmedinejad laguma arkin meel fagaare ah tan iyo bishii Febraayo ilaa Isniintii lasoo dhaafay, markii uu si lama filaan ah uga soo muuqday aaska hoggaamiyihii sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Muuqaallo laga duubay aaska ayaa muujiyey isaga oo madaxa hoos u dhigay, aamusan, isla markaana ay hareerihiisa joogeen rag u muuqday ciidamo amni.

Qorshaha Axmedinejad wuxuu qeyb ka ahaa istaraatiijiyad ballaaran oo Israel ay ku doonaysay inay ku rido dowladda Iran.

Qorshaha kale wuxuu ahaa in la hubeeyo lana tababaro kooxaha Kurdiyiinta Iranian-ka ah ee ku sugan waqooyiga Iraq, si ay u galaan galbeedka Iran, u qabsadaan dhul, kadibna ugu dhaqaaqaan dhanka Tehran.

Laakiin qorshahaas isna ma hirgelin.

Tamir Hayman, madaxii hore ee sirdoonka milateriga Israel ayaa bishii May qirtay inay jireen howlgallo taxane ah oo aan caadi ahayn oo la qorsheeyay, isla markaana Axmedinejad uu qeyb ka ahaa.

“Waxaa jiray howlgallo gaar ah oo taxane ah, aadna u gaar ahaa, kuwaas oo la rabay inay dhacaan,” ayuu u sheegay barnaamijka Firing Line ee PBS.

“Axmedinejadna wuxuu qeyb ka ahaa qorshahaas.” Sidaas darteed, qorshuhu kuma fashilmin marxaladdii xiriirka iyo soo jiidashada Axmedinejad.

Israel waxay horey xiriir ula sameysay, dhowr jeer ayay la kulantay, waxayna u diyaarisay inuu noqdo shaqsi siyaasadeed oo ay adeegsan karto.

Waxa fashilmay wuxuu ahaa qorshihii weynaa ee ahaa in si joogto ah looga saaro gacanta Iran, kadibna loo soo celiyo awoodda, iyadoo mid kamid ah cadowgii ugu weynaa Israel loo beddelayo hoggaamiyaha Iran cusub.

- Advertisement -

Read more

Local News