25.9 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Iiraan ma oggolaatay inay heshiis nukliyeer la gasho Mareykanka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa si adag u beenisay hadal uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ku sheegay in Tehran ay ogolaatay inay heshiis cusub oo la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka la gasho Washington.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in hadalka Trump uu yahay “gabi ahaanba wax aan run ahayn,” isagoo caddeeyay in aan wax heshiis ah oo arrintaas la xiriira lala gaarin Mareykanka, isla markaana aysan jirin wax is-afgarad ah oo ku saabsan arrintaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wareysi uu Axaddii siiyay telefishinka NBC ku sheegay in Iiraan ay aqbashay heshiis nukliyeer oo ay la gasho Mareykanka intii ay socdeen wada-hadallada u dhexeeya labada dal.

Trump ayaa sheegay in heshiiska uu ku qancay Mareykanka, isagoo xusay in Iiraan ay ka tanaasushay qodobbadii ugu muhiimsanaa ee la xiriiray barnaamijkeeda nukliyeerka.

“Heshiis ayay shalay ogolaadeen, heshiis noo fiican. Nukliyeer ma jirayo, tan maya, taa maya. Wax walba way ka hareen,” ayuu yiri Trump.

Si kastaba, Iiraan ayaa hadalkaas si cad u diiday, iyadoo ku adkeysatay in aan la saxiixin wax heshiis ah, isla markaana hadallada Trump aysan ka tarjumayn xaqiiqada wada-hadallada socda.

Dadaallo diblomaasiyadeed ayaa weli socda, iyadoo dhex-dhexaadiyayaal caalami ah ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, laguna gaaro heshiis waara oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran.

Wada-hadalladan ayaa muhiim u ah xasilloonida gobolka Bariga Dhexe, maadaama xiisadda u dhexeysa labada dal ay saameyn ku yeelatay amniga gobolka iyo xiriirka caalamiga ah sannadihii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Read more

Local News