Sanca (Caasimada Online) – Xiisadda Yemen ayaa si weyn cirka isugu shareertay kadib markii dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, oo ay taageerto Sacuudiga, ay qaaday weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta.
Weerarkii ugu weynaa ayaa maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Sanca, xilli diyaarad ay leedahay shirkadda Mahan Air ee laga leeyahay Iiraan ay isku dayaysay inay halkaas ka dejiso wafdi ka tirsan Xuutiyiinta oo ka soo laabtay aaska hoggaamiye sare oo Iiraan ah.
Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay ka hortagtay diyaaradda, iyadoo ku doodday inay ka jawaabayso xad-gudub ay Iiraan ku hayso hawada dalka.
Diyaaradda ayaa ugu dambeyn u weecatay Garoonka Diyaaradaha Al-Xudaydah ee galbeedka Yemen, halkaas oo ay si nabad ah uga degtay. Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta iyo Iiraan ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul muujinaysa jabinta go’doominta ay Sacuudiga iyo xulafadiisu ku hayaan deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan.
Kadib weerarkii Sanca, afhayeenka garabka militariga Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa sheegay in weerarkaas uu “soo afjaray marxaladdii xabbad-joojinta,” isagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan jawaab militari oo ka dhan ah dowladda Yemen iyo Sacuudiga.
Saacado kadib, Xuutiyiintu waxay bilaabeen weerarro gantaallo ah oo ay ku beegsadeen gudaha Sacuudiga. Wararka ayaa sheegaya in gantaallo lagu weeraray saldhigga ciidamada cirka ee Boqor Khaalid, halkaas oo qiiq laga arkay, waxaana sidoo kale la beegsaday garoonka diyaaradaha Abha oo ku yaalla koonfur-galbeed Sacuudiga, meel qiyaastii 120KM u jirta xadka Yemen.
Diyaaradihii ku socday garoonkaas ayaa la weeciyey, dadkii ku sugnaana waa laga daad-gureeyey.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli qabaa’ilka Yemen ay wadaan abaabul ka dhan ah Xuutiyiinta, sida ay baahisay Arab News, taasoo sii xoojinaysa cabsida laga qabo inuu dib u qarxo dagaalkii sokeeye ee dalkaas.
Yemen ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku nool yihiin Soomaali badan, isla markaana xasillooni darrada dalkaas ay saameyn ku yeelan karto isu-socodka ganacsiga Badda Cas, amniga marin-biyoodka, kororka tahriibka, qulqulka hubka sharci-darrada ah iyo barakac cusub oo ka dhasha colaadda sii xoogeysanaysa.

