Mandheera (Caasimada Online) – Ciidamada Gaarka ah ee Kenya (Special Operations Group – SOG) ayaa howlgal qorsheysan oo ku saleysnaa xog sirdoon ku dilay ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Howl-galka ayaa lagu tilmaamay mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, kadib markii la helay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ay kooxda ka wadday aagga xuduudda, iyadoo howl-galka qeyb ka ahaayeen diyaarado.
Howlgalkan ayaa lagu qaaday goob lagu sheegay xero ku-meel-gaar ah oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sida lagu sheegay warbixin amni, xubnahaasi ayaa isku diyaarinayay weerar ay ku qaadaan tuulo ku taalla degmada Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, taas oo sababtay in ciidamada ay si degdeg ah u fuliyaan howl-galka kahortagga ah.
Warbixinta ayaa sheegtay in 11 ka mid ah maleeshiyaadka lagu dilay weerarka, halka toddobo kale ay soo gaareen dhaawacyo culus. Xubnihii ka badbaaday how-lgalka ayaa la sheegay inay u baxsadesn dhinaca gudaha Soomaaliya, iyadoo ciidamada Kenya ay bilaabeen daba-gal lagu baadi-goobayo xubnaha baxsaday si looga hortago inay dib isu abaabulaan.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay kooxda uga tagtay goobta. Waxyaabaha la helay waxaa ka mid ahaa saddex qori oo nooca PKM ah iyo ku dhawaad 409 xabbo oo rasaas ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay kooxda u adeegsan lahayd weerarrada ay qorsheynaysay.
Intaa waxaa dheer, howl-galka ayaa lagu qabtay rasiidyo iyo dukumiintiyo la sheegay inay Al-Shabaab u adeegsan jirtay uruurinta waxa ay ugu yeerto “sawaadka”. Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in waraaqahani ay muujinayaan nidaam abaabulan oo kooxda ay lacagaha uga uruuriso shacabka iyo gaadiidka mara deegaannada ay saameynta ku leedahay.
Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in dukumiintiyada la helay ay bixinayaan xog muhiim ah oo ku saabsan ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab, qaabka ay u maamusho shabakaddeeda canshuur uruurinta, iyo sida ay u maalgeliso weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xogtan ay ka caawin karto hay’adaha ammaanka burburinta ilaha dhaqaale ee kooxda.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Kenya ku xoojineyso sugidda amniga deegaannada ku teedsan xadka Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab ay marar badan ka fulisay weerarro.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howl-gallada ku saleysan xogta sirdoonka ay sii socon doonaan si loo wiiqo awoodda kooxda loogana hortago weerarro kale oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada.





