Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar iyo safiirka Soomaaliya ee dalkaasi.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka aaska Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani oo Axaddii geeriyooday.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxda Qatar oo uu ugu horreeyo Amiirka dalka, Sheekh Tamiim Bin Xamad Aal Thaani oo uu uga tacsiyeyn doono geerida Amiirkii hore.
Doha waxaa sidoo kale gaaray madax iyo wafuud kala duwan oo ka kala socda waddamo badan, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Isutegga Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Ciraaq, Suuriya, Pakistan, Itoobiya, Kazakhstan, Maldives, Rwanda, Lubnaan, Marooko iyo Liibiya. Dhammaan wafuudan caalamiga ah ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkoodii hore.
Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba.
Sannadkii 2013 ayuu Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Than si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani.
Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday 4 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ka bilaabatay shalay, iyadoo calanka dalka hoos loo dhigay. Dowladda ayaa sidoo kale hadda wada qaban-qaabada aaska rasmiga ah ee loo sameynayo Amiirkii hore.
Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageerada kala duwan siiya Dowladda Federaalka, taas oo keentay in Soomaaliya ay hoos u dhigto calankeeda muddo saddex cisho ah, kadib amar kasoo baxay Madaxweynaha.

