Qoor Qoor iyo mucaaradka oo heshiis cusub galay – Xog

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xogoay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu heshiis la galay Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ka soo jeedo Galmudug, Xildhibaanada labada Gole ee hadda ku jira baarlamaanka kana soo jeeda Galmudug iyo siyaasiyiinta kale ee degaanka. 

Heshiiskan ayaa dhigaya in Qoor Qoor uu dhex-dhexaad ka noqdo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Galmudug, oo la filayo inay ku loolamaan siyaasiyiin miisaan culus oo ka kala socda dowladda dhexe iyo mucaaradka. 

Xogta ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Qoor Qoor loo sheegay in kursigiisa uu ku weyn doono haddii uu doorashada Xildhibaanada u boobo Musharax gaar ah, sidoo kalane uu la safto dhinac kamid ah kooxaha siyaasadda Soomaaliya. 

Goobta Qoor Qoor lagula balamay waxaa ku sugnaa guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug, sidoo kale goob joog ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. 

Kulankan ayaa Muqdisho ka dhacay todobaad ka hor intuu uu Muqdisho joogay Qoor Qoor waxaana xogta aan helay saacadihii la soo dhaafay. 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu ballan qaaday in uusan cidna taageeri doonin islamarkaana uu ka shaqeyn doono in si cadaalad ah doorashada ku dhacdo isagoo wadashaqeyn ka dalbaday xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda degaanka. 

Qoor Qoor ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee heshiiskan isaga oo soo magacaabay xubno guddi doorasho oo aysan ku jirin cid lagu xiriirinayo madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada baarlamaanka ee dhinaca Galmudug ayaa sanadkaan loo arkaa in ay wajihi doonto tartan adag waxaana lagu hayaa il gaar ah.