Tuesday, July 28, 2026

Sawirro: DF oo shaacisay in howlgal culus lagu dilay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab

[new_author_name]

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay howl-galkan ku khaarijiyeen 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo gaar ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada laga sameeyey howl-gallada, isla-markaana ay cagta mariyeen goobahaasi oo ay ku sheegeen in laga soo abaabuli jiray weeraro.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay si aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Si kastaba howl-galka Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howl-gallo saf ballaaran ah oo ciidamada huwanta ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60