Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta gaaray wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo ay hoggaamineyso Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.
Wafdigan ayaa waxa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Ujeedka wafdigan ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Dhuusamareeb ayaa qiimeyn waxa ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug.
Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doono hoggaanka Galmudug, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas.
Socdaalka wafdiga Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo magaaladaas laga dareemayo qaban-qaabada doorashooyinka Soomaaliya.
Galmudug ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana madaxweyne Qoor Qoor saacadaha soo soda uu ku dhawaaqi doonaa liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug.
Doorashada Soomaaliya ayaa marxalado kala duwan soo martay, waxaana si rasmi ah ay haatan uga billodeen Kismaayo & Baydhabo oo kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.