Lix qof oo haraad iyo gaajo ugu dhintay GALMUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad nololeed oo aad u daran ay ka jirto deegaano ka tirsan gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug, Axmed Maxmed Shire Qoodaar oo u warramay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in 6 qof ay haraad iyo gaajo ugu dhinteen gobolkaasi.

Dadka dhintay ayuu sheegay inay ku soo jeedeen magaalada Gaalkacyo, balse inta aysan soo gaarin ay ku dhinteen wadada, isla-markaana ay qaarkood ay gacantooda ku aaseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in magaalada ay soo gaareen qoysas kale oo kasoo hayaamay abaarta ka jirta, isla-markaana haatan ay wajahayaan xaalad adad oo aad u liidata.

Shire ayaa ugu baaqay hay’adaha safamafalka, ganacsatada iyo dowladda inay u soo gurmadaan dadkaasi ku tabaaleysan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Abaarta Soomaaliya ku dhufatay oo ah mid baahsan ayaa saameyn ku yeelatay qoysas badan oo ku dhaqan gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Galmudug ayaa horey u wajaheysay xaalado adag oo is biirsaday, sida dageel beeleedyo, xiisad ka dhalatay dagaalkii Ahlu Sunna iyo doorashooyin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii