Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia oo shir uga qeyb-galay ISTANBUL + Sawirro

Istanbul (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa dalka Turkiga uga qayb galay shirweynaha Istaraatijiyadda Warbaahinta oo ka dhacay magaalada Istanbul. 

Shirkan waxaa looga arrinsanayey sidii uu caalamku istaraatijiyad iyo xal midaysan uga gaari lahaa ka hortagga wararka been abuurka ah ee lagu marin habaabiyo bulshooyinka caalamka iyo sidii ay dowladaha caalamku xiriir wanaagsan oo dhanka warbaahinta ah u la yeelan lahaayeen shucuubtooda. 

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Madaxda Warfaafinta iyo Afhayeennada Dowladaha lagu martiqaaday, ayaa waxaa ka soo baxay go’aanno miro-dhal ah oo ku aaddan ka hortagga wararka been abuurka ah, marin habaabinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta caalamka. 

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxtooyada Dalka Turkiga T.C. İletişim Başkanlığı martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay noo fidisay,” ayuu yiri agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi.