Xarakada Al-Shabaab oo shaacisay inay qarax ku dishay 30 askari oo Kenyan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo Isniintii shalay aheyd dagaalyahanada Al-Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday tuulada Konton oo hoostagta degmada Qorof-Xaraar, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray ciidanka Kenya ee ku sugnaa halkaasi iyo dagaalyahanadii kooxda Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo war qoraal kasoo saartay weerarkaas, waxay shaacisay inay khasaare gaarsiisay ciidanka Kenya,, sidoo kalena ay kala wareegtay tuulada Konton.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa intaasi ku dartay in qarax xoogan ay la beegsatay ciidamo kale oo gurmad ah, isla-markaana kasoo baxay meel 1 KM u jirta tuulada uu dagaalka dhacay, waxayna tilmaamay inay qaraxaasi ku dishay ugu yaraan 30 askari.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxa kale oo lagu sheegay in meydadka askartaas laba jeer diyaarado elocoptor ah looga qaaday halkaasi.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen weerarkan oo ay tilmaameen in lagu beegsaday masjid ku yaalla agagaarka Wajeer, isla-markaana ay ka wateen dad uu ku jiro Imaamka masjidka, balse ay soo bad-baadiyeen.

Imaamka ayaa la sheegay inuu ka mid ah ciidamada Kenya ee Booliska Kenya, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska.

Booliska ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka soo gaaray ciidamadooda dagaalka la galay dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay kooxda ayaa kordhisay weerarada ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xad dheer la leh Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii