XOG: Kulan qarsoodi ah oo Villa Somalia ku dhex maray Farmaajo iyo Cumar C/rashiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada, sida ay ogaatay Caasimada online.

Kulanka, oo yimid toddobaad kadib markii Cumar Cabdirashiid uu soo gaaray Muqdisho, ayaa ahaa mid horey u qorsheysan oo ay kasoo shaqeeyeen xubno aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Ma cadda waxyaabaha kulanka looga hadlay, hase yeeshee waxaa su’aalo ay ka taagan yihiin sababta uu Cumar Cabdirashiid u qariyey. Cumar Cabdirashiid ayaa kulan uu ra’iisul wasaare Rooble la qaatay 5-tii December sawiradiisa ku baahiyey baraha bulshada balse sidaas oo kale ma sameyn kadib kulankii shalay.

Kulankan ayaa kusoo beegmay iyadoo Midowga Musharaxiinta, oo Cumar Cabdirashiid uu aad ugu dhow yahay, ay ku dhawaaqeen shirweyne Wadatashi ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa toddobaadyadii tegay aad u dhaliilayey habka ay ku socdaan doorashooyinka golaha shacabka, oo uu ku qeexay kuwa la boobayo una baahan in deg deg loo joojiyo.

Qoraal uu soo saaray 29-kii November wuxuu ku yiri “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii