Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray go’aan la xiriira doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal ayaa lagu go’aamiyey in lasii wado doorashada dalka, waxaana guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele looga dalbaday in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada.

“Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee sadexdaan Dawlad Goboleed in ay muddo 48 saac ku soo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal.

Sidoo kale guddigaan ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inay ka go’antahay in doorashada baaralamaanka ay ku soo gabagabeeyaan jadwalkii loo qorsheeyey oo ku eg 24-ka bishaan, balse wixii dib u dhac ah oo jadwalkaas ku yimaada uu mas’uuliyadiisa qaadanayo golaha wadatashiga qaranka.

“Wuxuu guddigu caddeynayaa inuu mar walba ku dedaalayay sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa, ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garowga qabashada doorashada. Haddaba dib u dhaca ku yimaada jadwalka doorashada waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaranka oo siyaasiyan dhankooda uga xanibantahay hawshu,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka guddiga doorashada heer federaal ayaa intaas ku sii daray, “Ayada oo la tixgalinayo xaaladda dalku ku jiro iyo culeyska jiitanka doorashadu ku hayo amniga iyo nolosha guud ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay gutaan mas’uuliyadda ummadeed ee saaran, ayna dedejiyaan doorashada golaha shacabka, iyadoo habraacyada iyo hanaanka howlgalka doorashada, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada.”

Guddiga ayaa qoraalkaan ku bogaadiyey guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi iyo kuwa dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo bilaabay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, sidoo kale waxay cadeeyeen in natiijada laba kursi horay loo laalay, mid kalena ay go’aankiisa ka sugayaan guddiga xalinta khilaafaadka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii