Weerar ku billowday Rooble kadib tallaabo uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa weerar cusub oo dhanka baraha bulshada ah kala kulmay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed, kadib kulan uu maanta la qaatay Ururada bulshada Rayidka.

Kulanka oo lagu baahiyey barta Xafiiska Rooble ku leeyahay Facebook-ga, ayaa waxa si weyn loogu dhaliilay qaabka uu ku wajahay is-mari-waaga ka dhashay hanaanka doorashada, kaasi oo xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka.

Kulanka oo ku aadana sidii loogu wada istaagi gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu, ayaa haddana waxay dadka qaarkood si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu weerareen in uu kasoo bixi waayey waajibkii loo igmaday ee qabasahda doorasho daah-furan, islamarkaana uu iska indho tirayo xaalada siyaasadda dalka.

“Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu dalka gacantiisa sababsan haddi uu qof qiimo leh yahay oo dalkaan ka naxaya maahan in maalin walba qof la isku soo sawiro ee waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho oo cid walba oo doorashada hagar daameysa ama dhinac marta habraacii lagu heshiiyay oo tilaabo ka qaado,” ayuu yiri mid kamid ah bulshada aragtiyada ka dhiibtay.

“Dadku kala daran ninkii loo doortay doorasho kaliya wuxuu u shaqeynayaa sidii ra’iisul wasaare cusub wax ka badalaya arki meysid oo dhahaya war doorashaan kuu dooranay hadaad gebtay adeerow na dhaaf anaga nama meteshide. Muxuu dhamaa ninka habeen habeen iyo maalin ay ku dheganyihiin kani wax loo dirsan ayuu ka shaqeynayaaye yaa udirsaday.”

Qof kale oo kamid ah dadka aragtiyada ka dhiibtay ayaa asaguna yiri “PM Rooblow dadka Soomaaliyeed kadaa ilameereysada. Doorashada adaa laguu wakiishay sida muuqatana Qatar heshiiskaa kusoo gashay waa muuqataa. PM Rooblow naga daa ciyaarta.”

“Maalinkasta kulan qiyaali ah!” – “Rooble waxba waa kala furdaamin waayay” ayey qaar kalena kaga fal-celiyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u muuqda mid iska indho tiraya xaalada dalka uu ku jiro ee horseedka u yihiin hanaanka ay u socdaan doorashooyinka, oo mucaaridku ku tilmaameen mid ku dhisan boob iyo sharci daro.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay mucaaridka ku howlan yihiin kulamo looga tashanayo sida ay wax u socdaan, waxayna dadka qaar muujinayaan walaac la xiriir in dalka uu ka dhaco iska hor-imaad siyaasadeed oo hubeysan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii