Indha Cadde oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax iyo ballan-qaad uu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

General Indhacadde ayaa isku soo taagay kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo uu hadda ku fadhiyey ganacsade Saciid Nuur Gariish, oo aan diyaar u aheyn inuu u tartamo kursigaan.

Xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Siyaasiyiin, Ganacsato, Culumaa’udiin, Dhallinyaro iyo Haween ayuu kaga dhawaaqay go’aankiisa ah inuu u tartamo kursigaan.

Kursiga uu hadda isku soo sharaxay Indhacadde ayaa waxaa horey usoo baxay warar sheegaya in Beesha iska leh kursiga ay siisay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

“Kursiga uma doonayo inaan hanti ka sameeyo ama aan dad ku dulmiyo, waxaana u doonayaa inaan ugu adeego Diinta, Dalka iyo Dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Indha Cadde oo ballan-qaad ka sameeyay munaasibada ku shaacinayey musharaxnimadiisa.

Yuusuf Indhacadde ayaa Beesha iska leh kursigaan ka codsaday inay siiyaan kursigaan, waxayna arrintaan kusoo aadeysa xilli Midowga Musharixiinta ay ka hor yimaadeen hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Indhacadde ayaa kamid ahaa saraakiishii Badbaado Qaran ee ka hor yimid muddo kororsigii uu sameystay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii