Maamulka Matabaan oo war kasoo saaray qabsashadii Al-Shabaab iyo halkay joogaan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka degmada matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa markii u horeysay ka hadlay saacadihii koobna ee dagaal-yahaanada Al-Shabaab gacanta ku hayeen degmada iyo sida ay wax u dhaceen.

Guddoomiyaha degmadaas Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyntii beeniyay in Al-Shabaab ay si buuxda u qabsadeen degmada Matabaan, balse waxa uu qirtay in qeybo kamid ah u soo gudboon dagaalamaayal ka tirsan kooxda.

Waxa uu sheegay in ciidamada degmadaas iyo xoogaga Al-Shabaab uu dagaal ku dhex maray gudaha degmada, islamarkaana ay markii dambe dib uga laabteen dagaal-yahanaadii weerarka kusoo qaaday degmada.

“Waxaa weerar ku yimid degmada saaka nimanka khawaarijta ka bacdina waxyar oo is-rasaaseyn ah oo ka dhacday magaalada gudaheeda ayey kuso dhawaadeen magaalada gudaheed ayey soo galeen, ka bacdi waa ay ka laabteen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waxyeelo ay gaarsiiyeen dagaal-yahanaadii soo weerartay Saldhigii degmada Matabaan oo bur-bur uu soo gaaray, hase yeeshe ay xiligan ku howlan yihiin xaqiijinta amniga degmada oo gacanta ku hayaan, sida uu sheegay.

“Shabaabkii waxay aadeen dhinaca Bacda oo hadda ay joogan oo degmada Matabaan aan ka dheereyn, haddana anaga ayaa gacanta ku hayna oo magaalada anaga ayaa joogna.”

Waxa uu intaas kusii daray in dagaalkii saaka ay ku barakaceen dad badan oo deegaanka ah, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dadkaas degmada, kadib marka ay xaqiijiyaan amniga degmada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaal ay ku qaadi doona dagaal-yahanada Shabaab ee saldhiga ka dhigtay deegaan aan ka fogeyn Matabaan, iyaga oo garabsanaya ciidamada kala duwan ee dowlada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta saacado kooban la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay gudaha u galeen degmada ayaa waxay qaraxyo ku burburiyeen saldhiga booliska degmada Matabaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii