Midowga Musharaxiinta mucaaradka ma waxey u dhaqaaqeen jihadii dagaalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa halmar isla kacay kadib markii midowga musharixiinta mucaaradka ku dhawaaqeen inay qabanayaan shirweyne Qaran oo wada-tashi ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen inay laba guddi sameenayaan oo mid uu qaban qaabinayo shirweynaha wada-tashiga midna uu diyaarinayo awooddii Ciidan ee lagu qaban lahaa shirkaas iyo mas’uuliyadda ammaankiisa.

Mucaaradka ma sheegin taariikhda shirka, xiriir aan la sameynay waxay ku sheegeen inay dib ka faafin doonaan taariikhda shirka.

Maxaa macaradka ku qasbay shirkaan?

Mucaaradka waxay dhawaan soo jeediyeen qodobo ay u arkayeen in haddii wax laga qabto oo la xaliyo inay ku hagaagi karto doorashada socota ee Dalka iyaguna ay kaga qeyb geli karaan mashruuca.

Qodobkoodii koowaad wuxuu ahaa in doorashada la joojiyo oo la isugu yimaado shir lagu saxayo dulduleelada ka muuqda doorashada, laakiin warqaddii mucaaradka waa la iska dhaga tiray, waxaana la diiday in la joojiyo doorashada.

Mucaaradka waxay waayeen sida ay sheegeen cid kala hadasha qoraalkii ay soo saareen, waxaa kaloo laga caga jiiday inay shir isugu yimaadaan Golaha wada-tashiga Qaran.

Sida iska cad madaxda Maanta awoodda heysata wax aqoonsi ah uma hayaan mucaaradka Xamar oo ay ku jiraan Laba madaxweyne oo hore, waxaana loo arkaa Niman aan heynin Itaal Af ka badan.

Soo jeedintoodii indhaha laga dabooshay waa midda koowaad ee keentay inay mucaaradka ku qasbanaadaan inay tallaabo kale qaadaan.

Shirka iyo noociisa

Shirkaan waa wada-tashiga ah sida ay mucaaradku rabaan ma ahan mid siyaasiyiinta ku kooban, waa mid loo furi doono dhammaan bulshada Soomaalida sida dhaqanka, siyaasiyiinta, Culimada, Aqoonyahanka, Dhallinyarada iyo Haweenka. Qurba joogta si toos ah iyo si muuqaal ah ayey labadaba shirka uga qeybgeli doonaan.

Ujeedka shirkaan waa in Soomaalida ka tashato halka looga dhaqaaqi karo Isgoyska halista ah ee la taagan yahay iyo sida loo badbaadin karo dalka.

Mucaaradka waxaa u muuqata in sida hadda wax ku socdaan inay ku dhammaan karto dagaal dhiig ku daato. Midowga musharixiinta mucaaradka waxay rabaan inuu shirkaani dhalo Qorsho lagu dhaqaaqi karo sida dhismaha Gole Qaran oo kumeel gaar ah oo badbaadiya doorashada.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha midowga musharixiinta shirkaan wuxuu noqon doonaa mid ballaaran oo muddo socda si waxa uu dhali doono u noqdaan cinwaan si weyn u badala Dalka.

Mucaaradka ma waxay rabaan Dagaal?

Mucaaradka way ku kala aragti duwan yihiin in awood ciidan lagu badbaadiyo doorashada boobka ah.

Qaar ayaa ku doodaya dagaalkii Bishii April ee sanadkaan wuxuu lahaa laba Waji oo ahaa diidmada muddo kororsiga iyo in Farmaajo awoodda doorashada ku wareejiyo Ra’isulwasaaraha, waana la gaaray labadaas hadaf balse dagaalkaan cusub uma heyno hadaf saxan.

Halka qaarna ay qabaan in doorasho boob ah inay mar walba ku dhammaan doonto dagaal sokeeye, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda la aado in awood ciidan lagu joojiyo doorashadaan loo jeedo inay Berri ku dhammaan doonto gacan ka hadal.

Mucaaradku hadda waxay dhisayaan guddi diyaariya Ciidan sida ay sheegeen, ciidankaas waxay wajiga koowaad sugayaan ammaanka shirweynaha wada-tashiga, balse waxaa jirta aragti kale oo dadka qaar qabaan oo ah inay mucaaradka arrintaan rabaan in ciidan ku dhex diyaarsadaan kuwaas oo Berri arrimo kale loo isticmaali karo.

Si walbaba, Soomaaliya waxay u muuqataa inay kasii leexaneyso dhabbihii doorashada.