Xog: Khilaaf ka dhex-qarxay SHARIIF iyo xubnaha kale ee Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex-qarxay khilaaf la xiriira qaabka loo wajahayo sixitaanka khaldadaadka doorashooyinka dalka, ayada oo xubno ka mid ah ay kasoo horjeedaan tallaabooyinka qaar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo ku dhow Golaha ayaa Caasimada Online ay kasoo xigatay in khilaafkan uu si gaar ah ugu dhaxeeyo guddoomiyaha Golaha Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Shariif uu kasoo horjeedo tallaabooyinka xasaasiga ah ee Golaha ay qorsheynayaan sida shirkii ay xalay ku baaqeen iyo Dhisida Golaha Sare ee Dalka, oo shalay aan baahinay dokumenti la xiriira qaab dhismeedkiisa.

Shariif ayaa sidoo kale la sheegay inuusan waxba ka ogeyn war-saxaafadeedkii xalay kasoo baxay Golaha ee ku baaqay shir la isugu yimaado 10-a December, wuxuuna kusoo beegmay maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ka dhoofay Muqdisho.

War-saxaafadeedkaas ayaa lagu yiri “Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.”

Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale baraha bulshada ku muujiyey kaaliyaha Shariif, Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur, ahna xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran.

Waxa uu qoraallo uu soo dhigay facebook ku yiri “Daryan siyaasadeed oo darajo lagu doonaayo iyo dow kasta oo waqti Durugsi lagu doonaayo , dowladnimadda iyo dalkaa nooga dumaaya. Dalkaan daawadiisu waa Doorashada oo la saxo lana dadajiyo , duulkii dow kale noo duwa Dalkaan iyagaa dumin doona.”

Sheekh Shariif ayaa bilihii tegay la rumeysnaa inuu aad ugu dhowaaday Fahad Yaasiin iyo Villa Somalia, ayada oo la sheegay inuu yahay qorshaha B (Plan B) ee Fahad iyo Qatar, haddii Farmaajo uu rajo wanaagsan ka yeelan waayo in la doorto.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa laga soo xigtay in Farmaajo uu weli Shariif u hayo abaal, islamarkaana rumeysan yahay in haddiiba uusan xilka madaxweyne dib u haleyn uu qaato Shariifka, oo la dhaafiyo xubnaha kale ee mucaaradka.

Ma cadda sababta Shariifka u cayaarayo qorshahan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in sababta ugu weyn ay tahay in dhaqaale yari ku qasabtay inuu rajo ka raadiyo dhanka Fahad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii