Caasimada Online oo heshay dokumentiga dhisida Golaha Sare ee DALKA (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay dokumentiga dhismaha GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) oo ujeedkiisu yahay inuu dalka ka badbaadiyo dagaal, kana saaro xaaladda cakiran, oo uu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sida aan xogta ku helnay, Dokumentigan ayaa waxaa diyaariyey Golaha Midowga Musharaxiinta hase yeeshee weli waa qabyo, welina si kama dambeyn ah la isuguma raacin, waxaana jirta weli in xubnaha qaarkood ay kasoo horjeedaan dhismaha golahan.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyey inay diyaariyeen Midowga Musharaxiinta, wuxuuna ku qeexay dokumentiga howl weli socota.

“Waa howl socota, haddii ra’iisul wasaaraha uu ku guul-darreysto inuu hakiyo hanaanka doorashada boobka ah, guul-darradiisa kaliya horseed uma noqon doonto dhismaha golaha balse waxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku qasbi doontaa inay si deg deg ah maalmo gudahood tallaabo u qaadaan una dedejiyaan dhisidda Golaha Sare,” ayuu yiri.

Sida ku cad dokumentiga, heshiiskan siyaasadeed waxa u dhisayaa GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) kaas oo soo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Raisal Wasaare isna soo dhisi doono XUKUUMAD BADBAADO QARAN oo ka shaqeyn doonta:

• Xoreynta Dalka
• Dhameystirka Dastuurka Dalka iyo u codeyntiisa
• Qabashada DOORASHO QOF IYO COD AH.

GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) ayaa ka koobnaan doonto 50 qof ama 51 hadii uu madaxweynaha ka yimaado banaanka iyo 15 dumar ah waxa uuna xubnaha golahu ka kala imanayaa: 

• Madaxda dowlad gobaleedyada iyo gobolka banaadir – xafiiska ay joogaan owgiis
• Dhamaan Murashaxiinta Madaxweyne ee sida cad loo aqoonsan yahay
• 3 xubnood oo ka socota bulshada rayidka
• 3 xubnood oo ka socota haweenka
• 3 xubnood oo ka socota golaha sare ee culimada Soomaaliyeed
• 3 xubnood oo ka socota dhalinyarada Soomaaliyeed 

Golaha Sare ee Dalka wuxuu dhisi doonaa xukaamada badbaado qaran oo leh dhamaan awoodaha ay u baahan tahay si ay u hirgaliso 3-dan qodob eek or ku xusan:

GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE) ayaa soo magacaabaya ra’iisal wasaaraha mudo 2 usbuuc gudahiisa kadib markii la doorto madaxweynaha isaga oo ku wargalinaya qofka u magacaabayo golaha ka hor inta usan magacaabin.

Muddada Xukuumadda Badbaado Qaran waxay noqonaysaa 2 sanno laga bilaabo taariikhda la doorto madaxweynaha oo ay dooranayaan GOLAHA SARE EE DALKA (HIGH COUNCIL OF STATE).

“Ku dhawaaqista golaha sare ee dalka kadib dhamaan ciidamada qeeybahooda kala duwan waxa aay si toos ah uga amar qaadanayaan golaha sare, sarkaal walba oo damca inuu xoog ama xeelad uga horyimaado golaha waxa uu galayaa dambi qaran waxaana si daahfuran lala tiigsan doonaa shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka arag dokumentiga oo dhameystiran