Jadwalka doorashada kuraas ka mid ah BF oo la shaaciyey kadib go’aankii R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in maalinta berri oo taariikhdu tahay 13/12/2021 ay bilaaban doonto diiwaan-gelinta ergada Afar kursi oo kamid ah kuraasta xildhibannada goballada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka 11-aad.

Kuraasta uu shaaciyey guddiga ayaa waxa uu tirsigoodu yahay HOP#229, HOP#262, HOP#254, HOP#255, waxaana lagu wargeliyay ergada iyo musharaxiinta u tartamaya inay u diyaar garoobaan diiwan-gelinta kuraastooda.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta ergada, tababarida, qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha musharaxiinta ay socon doonaan 13 illaa 16 bishaan.

Ku dhawaaqista kurasaataan ayaa imaaneysa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku gacan sayray dalabkii mucaaradka ee ahaa in la hakiyo doorashooyinka dalka, uuna amray in lasii wado, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online waxay shalay qortay in Rooble uu aqbalay baaqa mucaaradka ee ahaa in la isugu yimaado shir ku saabsan arrimaha doorashada, balse wuxuu doonayaa kaliya in lagu saxo khaladaadka jira, waxna looga qabto cabashada mucaaradka, mana u qorsheysna in doorashada la hakiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in la xaliyey khilaafkii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, loona madax baneeyey doorashada kuraasta iyo hab-maamulka beelaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin.

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.

Ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan mucaaradka, hase yeeshee waxaan horey u werinay in qorshahoodu yahay in la dhiso gole qaran oo dalka maamula, sidoo kalena dib loogu yeero ciidankii Badbaado Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii