DF oo shaaca ka qaaday inay xireyso warshado ku yaalla Muqdisho oo lagu sameeyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey inay baabi’in doonaan warshado la sheegay in lagu sameeyo waxyaabaha maanka dooriya, kuwaasi oo ka furan deegaano kamid ah gobolka.

Waxa uu sheegay in Warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo ay leeyihiin ilaalo hubeysan, wuxuuna ballan-qaaday inaysan kasii furnaan doonin gobolka, kuwaasi oo qeyb ka ah dhaca iyo amni darada soo badaneysa.

“Waxaa baab’in doona warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo oo noo tira kooban iyo dadka iska leh iyo kuwa ilaaliyaba, dhawaanna howl-gal lagula dagaalamayo ayaa bilaabayna, si loo yareeyo dhaca ka socda magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole uu ciidamada siiyay amar adag oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa kooxaha Burcadda ah ee dhaca iyo dilka ka geysanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Howl-galka bilaabanaya waxa uu si gaar ah u taaban doona dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo dadka isticmaala dhamaantood, waxaana uga digeyna falka ay ku howlan yihiin.”

Waxa uu intaas kusii daray in dhawaan la furi doono xarun lagu hayo dadka isticmaala maandooriyaha, oo inta badan dhaca ka geysta caasimada dalka, sida uu sheegay.

“Waxaa ballan-qaadeyna laga bilaabo maanta in gobolka lagu arki doonin dadka ka ganacsada maandooriyaha iyo warshadaha ka furan deegaanadooda, tallaabana laga qaadi doono,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Muqdisho si weyn ugu soo badanayeen dilalka iyo dhaca ay geysanayaan kooxo burcad ah, kuwaas oo culeys amni kusii kordhiyay magaalada oo markii hore la daala dhaceysay falalka amni daro ee uga imanaya argagixisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii