26.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Xildhibaannadii ugu badnaa oo ka horyimid qorshaha Xasan ee Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee laga soo doorto Puntland oo bayaan culus soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay deegaannada maamulkaas, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladda dhexe ka bilowday gudaha Puntland.

Illaa 30 Mudane oo ka kala tirsan labada Aqal, kana soo jeedo Puntland ayaa saxiixay warsaxaafadeedkan oo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo sheegay inuu burburin ku hayo nidaamka federaalka.

Bayaanka ayaa lagu soo qaaday ciidamo la sheegay in dowladdu ay ka qortay gudaha Puntland, waxayna tilmaameen u jeedadu tahay in colaad laga huriyo gobollada maamulkaasi.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxa uu ku tuntay dastuurka, isaga oo u bareeray hurinta colaado sokeeye iyo maal-galinta maleeshiyaad beeleedyo lagu wiiqayo nidaamka federaalka, iyadoo si qaldanna loo isticmaalayo magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si bulshada loo marin habaabiyo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xildhibaannada Puntland.

Sidoo kale waxa ay farriin u direen hoggaanka sare ee Puntland iyo shacabka oo ay ugu baaqeen in si mideysan ay uga hortagaan waxa ay ku tilmaameen duullaan uu ka hayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka reer Puntland dowlad iyo shacabba si isku duubni iyo midnimo leh uga falceliyaan tallaabo kasta oo wiiqeya hannaanka federaalka, nabadda iyo jiritaanka dowladda Puntland.” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo farriintaan la wadaageen beesha caalamka oo ay ka codsadeen inay si dhow ula socoto xaaladda kasoo korortay deegaannada Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe ayaa mar kale cirka isku shareeray, kadib markii ay soo baxday in dowladdu ‘ciidamo ka qoratay’ maamulkaas, taas oo si weyn uga careysiisay Madaxweyne Saciid Deni.

- Advertisement -

Read more

Local News