Hargeysa (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex qarxay Somaliland kadib aqoonsigii ay Israel siisay maamulkaas, iyadoo madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi uu su’aal geliyay qaabka uu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro u maareeyay arrintaas, halka siyaasiyiin mucaarad ah ay dhaliileen furitaanka xafiis ay Somaliland ka sameysatay magaalada Qudus.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli maamulka Hargeysa uu aqoonsiga Israel ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed, balse ay kasoo horjeesteen dhinacyo siyaasadeed, culimo iyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo ku tilmaantay tallaabo xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Muuse Biixi, oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in madaxweyne Cirro uu si khaldan uga hadlay dadaalladii hore ee aqoonsi raadinta, gaar ahaan booqashooyinkii Guinea-Conakry iyo heshiiskii Itoobiya.
Wuxuu sheegay in Cirro uu madal xisbiyeed ka sheegay in isaga, Muuse Biixi, uu horey u sheegay inuu laba jeer aqoonsi ka keenay Guinea iyo Itoobiya.
“Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay,” ayuu yiri Muuse Biixi.
“Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey,” ayuu sii raaciyay.
‘Aqoonsigu waa mudnaanta 1-aad’
Muuse Biixi si cad uma diidin aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, balse wuxuu ku dooday in arrintaas loo baahnaa in si taxaddar leh loo maareeyo, lagana ilaaliyo inay dhaliso khilaaf gudaha ah.
Wuxuu soo xigtay hadal uu sheegay inuu horey uga jeediyay madaxtooyada Somaliland, kadib markii lasoo sheegay aqoonsiga Israel.
“Ictiraaf waynu u baahnayn, laakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn,” ayuu yiri.
“Ictiraafku waa mudnaanta koowaad ee dalkeena JSL. Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman.”
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxtooyada Somaliland inay jar-jartay hadalkiisii, islamarkaana meesha ka saartay nuxurkii uu xambaarsanaa.
“Haddaba, waxa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray,” ayuu yiri.
Wuxuu kaloo sheegay in gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, isagoo weydiiyay: “Haddaba, gefka yaa galay?”
Safarro qarsoodi ah
Qeybta ugu culus ee qoraalka Muuse Biixi ayaa ahayd su’aalaha uu ka keenay xiriirka qarsoon ee Cirro la yeeshay Israel iyo safarradii uu sheegay in laga qariyay shacabka iyo warbaahinta.
“Safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba,” ayuu yiri Muuse Biixi.
Wuxuu intaas ku daray: “Waana kow madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah galay.”
Muuse Biixi ayaa sidoo kale su’aal ka keenay qaabkii ay u kala socdeen madaxweynaha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa markii uu aadayay Israel.
“Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka Itoobiya kana dhoofeen,” ayuu yiri.
“Madaxweyne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?” ayuu weydiiyay.
Cirro oo difaacay Qudus
Madaxweyne Cirro ayaa horey u difaacay go’aanka Somaliland ay xafiis uga furatay magaalada Qudus, isagoo ku tilmaamay go’aan sax ah oo aan laga laaban doonin.
“Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furanno, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go’aan sax ah, waa go’aan aan ka noqosho lahayn,” ayuu yiri Cirro.
Wuxuu sheegay in xafiiska laga furay Galbeedka Qudus, oo uu ku dooday inay tahay meel “Carabtu u aqoonsan yihiin dhul ay Israel leedahay”.
Hase yeeshee, arrinta Qudus ayaa si weyn u xasaasi ah, maadaama magaaladaas ay kamid tahay qodobbada ugu adag ee khilaafka Israel iyo Falastiin. Dalalka badankood safaaradahooda Israel waxay ku haystaan Tel Aviv, maadaama weli aan xal laga gaarin mustaqbalka Qudus.
KAAH oo dhaliilay
Xisbiga mucaaradka ah ee KAAH ayaa isna si kulul uga hadlay furitaanka xafiiska Qudus, isagoo ku eedeeyay maamulka Cirro inuu ka tanaasulay mowqifyo uu horey u difaaci jiray markii uu mucaaradka ahaa.
Guddoomiyaha KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in xisbigiisu aanu qarin doonin mowqifkiisa.
“Xisbiga KAAH badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad,” ayuu yiri.
“Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno,” ayuu raaciyay.
Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Cirro iyo xisbigiisa ay horey uga soo horjeesteen heshiisyo waaweyn oo ay galeen maamulladii ka horreeyay, oo ay kamid yihiin heshiiskii DP World iyo is-afgaradkii Itoobiya.
“Shalay waxay ka soo horjeedeen MOU-gii Madaxweyne Muuse galay, iyagoo leh waxaanan ogayn taageeri mayno,” ayuu yiri.
“Waxay ka soo horjeeddeen heshiisyadii la galay ee ay ka mid ahayd DP World, iyagoo mucaarid ah.”
Wuxuu si toos ah ula hadlay madaxweyne Cirro, isagoo yiri: “Mudane Madaxweyne, annaga badheedhahayagu wuu cad yahay. Waxaan ku leenahay adiga iyo madaxda kugu xeeran ka badheedha inaad ka tanaasusheen ku dhaqanka dastuurka qaranka, ka badheedha inaad ka tanaasusheen ilaalinta muqaddasaadka diinta ummaddan.”
Doodihii hore oo soo laabtay
Khilaafkan ayaa dib usoo celiyay doodihii hore ee ku saabsanaa aqoonsi raadinta Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sanadkii 2019 booqday dalka Guinea-Conakry, taas oo dhalisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysay Soomaaliya iyo Guinea. Dowladda Soomaaliya ayaa markaas xiriirka u jartay Conakry, balse booqashadaas ma aysan dhalin aqoonsi rasmi ah.
Bishii Janaayo 2024, Biixi wuxuu Itoobiya la saxiixday is-afgarad muran badan dhaliyay, kaas oo Addis Ababa u oggolaan lahaa marin badeed iyo saldhig ku dhow Badda Cas, iyadoo Hargeysa ay rajeyneysay in Itoobiya ka bixiso aqoonsi. Soomaaliya ayaa heshiiskaas si adag u diiday, kuna tilmaantay weerar ka dhan ah madax-bannaanideeda.
Cirro, oo doorashadii 2024 kaga adkaaday Muuse Biixi, ayaa hadda ku doodaya in maamulkiisu gaaray waxa ay ku guul-darreysteen maamulladii ka horreeyay.
“Saaxiibkey Muuse, Muuse wuu dadaalay. Waxaan u qirayaa inuu dadaalay,” ayuu yiri Cirro.
“Wuxuu tegay meel la yidhaahdo Guinea-Conakry, wuxuu yidhi waxaan ka keenay ictiraaf, hase yeeshee weli waa qabyo ictiraafku, waxaa ka dambeysay Itoobiya, Itoobiyana weli waa qabyo.”
“Waxaan leeyahay saaxiib, ictiraafkii aad dooneysay waxaa ku guuleystay aniga oo maanta madaxweyne ah,” ayuu raaciyay.
Laakiin hadallada Muuse Biixi, KAAH iyo culimada horey uga hortimid xiriirka Israel ayaa muujinaya in aqoonsigaas uu maamulka Hargeysa ka dhex abuuray khilaaf siyaasadeed iyo mid bulsho.
Khilaafka ayaa imaanaya xilli Hargeysa ay isku dayeyso inay aqoonsiga Israel u beddesho furitaan diblomaasiyadeed oo ballaaran, halka dowladda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in Somaliland ay weli tahay qeyb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

