26.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

DF Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay Suuriya kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Suuriya, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dimishiq oo ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah.

Qaraxa oo ka dhashay bambo la dhigay gudaha maqaayadda ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof, ayna ku dhaawacmeen 11 kale, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda Suuriya ee SNA.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay weerarkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo aan waxba galabsan.

Soomaaliya ayaa tacsi tiraanyo leh u dirtay dowladda Suuriya iyo shacabkeeda, gaar ahaan qoysaska ay dadkoodii ku dhinteen qaraxa, iyada oo kuwa dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa qaraxii argagixisanimo ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaas ku daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh la wadaagaysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxayna u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacmay in uu Alle siiyo caafimaad degdeg ah”.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in xilligan adag ay garab taagan tahay dowladda Suuriya, iyada oo mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aadan amniga iyo xasiloonida dalkaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag buuxa la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta Suuriya xilligaan adag, waxayna mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, waxaana weli socdo baaritaanno ay wadaan laamaha amniga oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay.

Suuriya ayaa tan iyo markii isbeddelka wayn ka dhacay ka caaganayd weerarada noocaan oo kale ah, waxaana amniga si buuxda u sugaya ciidamada amniga ee dalkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News