Riyaad (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loogu maamuusayay 66-guuradii ka soo wareegtay markii gobollada koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii labada gobol.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda si rasmi ah ugu soo dhoweeyey Wakiilka Boqortooyada Sacuudiga, ahna Duqa Magaalada Riyaad, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf.
Waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Waaxda Diblomaasiyiinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Sacuudiga.
Safiirka Soomaaliya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay astaan muhiim ah oo muujinaysa xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay haatan ku tallaabsaneyso horumar muuqda oo dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo kobaca dhaqaalaha.
Wakiilka Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal bin Cabdulcasiis bin Cayaaf ayaa dhankiisa hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 66-guurada maalinta qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyay nabad, xasillooni iyo horumar.










