Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray la-taliyeyaasha militariga iyo difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) kadib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu joojinayo kaalmada amni ee Soomaaliya.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ergada Mareykanka ee Midowga Afrika ay 1-da Luulyo 2026 gudbisay qoraal diblomaasiyadeed (Note Verbale 118-26), kaas oo lagu caddeeyay go’aanka Washington ee ah in aan la taageeri doonin sii wadista UNSOS wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.
Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in go’aanka Mareykanka uu yeelanayo saameyn weyn oo ku saabsan saadka, maalgelinta iyo awoodda howlgal ee hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), maadaama xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu door muhiim ah ku leeyahay taageerada ciidamada howlgalka.
Sida lagu sheegay warqadda, Midowga Afrika wuxuu bilaabay qorshe-hawleed degdeg ah oo lagu qiimeynayo cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka Mareykanka, isla markaana lagu dejinayo tallaabooyin lagu xaqiijinayo sii socoshada howlgalka AUSSOM iyo ka hortagga carqalad kasta oo amni.
Kulanka degdegga ah oo ka dhacaya xarunta Julius Nyerere ee magaalada Addis Ababa ayaa looga tashanaya saameynta go’aanka Mareykanka, tallaabooyinka xiga iyo jadwalka fulinta qorshayaasha.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray safaaradaha dalalka xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka oo ay Soomaaliya ku jirto iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashi iyo wadatashi degdeg ah oo ku aaddan mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
Go’aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay dadaal ugu jiraan sii wadista howlgalka AUSSOM iyo taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo tallaabada Washington ay abuurtay walaac ku saabsan maalgelinta iyo joogteynta howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.


