Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay laba heshiis oo taariikhi ah, kuwaas oo la xiriira iskaashiga tacliinta sare iyo horumarinta sharciga baddaha.
Heshiisyadan ayaa lala galay Jaamacadda caanka ah ee Piri Reis iyo xarunta cilmi-baarista sharciga baddaha ee DEHUKAM oo laga leeyahay dalka Turkiga.
Heshiisyadan saameynta weyn leh ayaa u kala baxa laba qaybood oo muhiim u ah mustaqbalka baddaha Soomaaliya:
1. Horumarinta tacliinta iyo tababarrada baddaha (Jaamacadda Piri Reis): Ujeeddada ugu weyn ee heshiiskan iskaashi ayaa ah in la xoojiyo tayada tacliinta sare ee la xiriirta culuumta baddaha Soomaaliya.
Sidoo kale heshiiskani wuxuu siinayaa shaqaalaha wasaaradda dekadaha iyo howl-wadeennada kala duwan ee dekadaha dalka fursad ay ku helaan waxbarasho iyo tababarro heer sare ah oo ay bixiso Jaamacadda Piri Reis oo ku xeeldheer arrimaha baddaha.
2. Xoojinta sharciga iyo nidaamka maamulka baddaha (xarunta DEHUKAM): Wasaaradda ayaa sidoo kale heshiis weyn la gashay xarunta qaanuunka baddaha ee DEHUKAM, kaas oo diiradda lagu saarayo dhanka sharciga iyo talo-bixinta oggolaanshaha baddaha.
Xarunta DEHUKAM waxay wasaaradda ka taageeri doontaa dib-u-eegista, horumarinta, iyo talo-bixinta dhanka sharciyada khuseeya arrimaha baddaha Soomaaliya.
Heshiisyadan maanta la saxiixay ayay wasaaraddu sheegtay inay bud-dhig u yihiin dhisidda aqoonta iyo sharciga baddaha Soomaaliya, isla markaana ay dhabaha u xaarayaan inaan yeelanno shaqaale xirfad leh iyo nidaam sharciyeed oo adag oo ilaalinaya khayraadka iyo maamulka baddayada.”
Si kastaba, labada heshiis ee maanta la saxiixay ayaa calaamad u ah xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhisidda awoodda hay’addaha dowladda.
















