Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Israel, isagoo sheegay in dhaqanka, diinta iyo taariikhda Soomaalida midna uusan ogoleyn in dhul Soomaaliyeed lagu xiro Israel.
Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka hadlayay munaasabadda Kowda Luulyo, ayaa sheegay in Soomaalida ay ab ka ab iska ilaalin jirtay xiriir ay la yeelato Israel, wuxuuna si gaar ah uga digay qorshe kasta oo Israel loogu ogolaanayo inay saldhig ama saameyn ku yeelato dhul Soomaaliyeed.
“Annaga iyo Israel waxba nagama dhexeeyaan. Israel laguma aqoon geyiga Soomaaliyeed, mana joogeyso haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa si toos ah ugu jeediyay Somaliland, oo muddooyinkii dambe qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay Israel, waxaana ugu dambeysay furitaanka xafiis diblomaasiyadeed oo Somaliland ay ka sameysatay magaalada Qudus.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin in Israel ay cag soo dhigato dhul Soomaaliyeed, isagoo ku celiyay in arrintaas ay ka hor imaaneyso dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo mowqifka guud ee dunida Islaamka.
“Walaalayaal, xoogaa is-qabasho ah ayaa dhankiinna naga jirta. Wallaahi wax aysan Israel idinkaga dhexeyn ayaa naga dhexeeya. Waxa Israel jira wax ka fiican ayaan haysannaa,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu intaas ku daray in dadka Somaliland aysan ahayn dad ka duwan Soomaalida kale, balse ay yihiin walaalo ay tahay in la wada hadlo oo xal siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer taagan.
“Walaalahey waxaan leeyahay, carada iyo caadifadda soo gaabiya wax yar, aan is-wareysanno. Walaalaheen meel aan ku kala tagno ha na soo gaarsiinina. Idinka ayaa ahaa dadkii xigmadda laga yaqaanay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland uu ku adkeysanayo go’aankiisa ku aaddan xiriirka uu la yeelanayo Israel, inkastoo tallaabooyinkaasi ay dhalinayaan dood xooggan oo gudaha Soomaalida iyo dalalka Islaamka ah.
Somaliland ayaa dhowaan xafiis diblomaasiyadeed ka furatay magaalada Qudus, tallaabadaas oo ay cambaareeyeen dunisa Islaamka iyo dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tilmaamay mid dhaawaceysa midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo mowqifka soo jireenka ah ee Soomaalida ee ku aaddan qadiyadda Falastiin.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u caddeysay in aysan aqoonsaneyn wax xiriir diblomaasiyadeed ah oo Somaliland la gasho dal kale, maadaama ay u aragto Somaliland qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkan cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya in Muqdisho ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqyada Somaliland ee ku wajahan Israel, isla markaana aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo ay u aragto mid dhaawaceysa madaxbannaanida, midnimada iyo mowqifka siyaasadeed ee Soomaaliya.

