26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Ciidanka Lafta-gareen oo soo weeraray magaalada Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha weerar culus oo saaka ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ay ku qaadeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana xigay dagaal culus.

Ciidamada Lafta-gareen ayaa beegsaday barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, isla markaana laga ilaaliyo amniga Baydhabo, halkaasna waxaa ka dhacay iska hor imaad dhex-maray ciidanka dowladda iyo ragga weerarka soo qaaday.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaqa rasaasta laga maqlayay gudaha magaalada, isla markaana dhinacyadu ay is waydaarsadeen hubka noocyadiisa, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan shacabka Baydhaba.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada weerarka qaaday oo horay looga saaray gudaha Baydhaba ayaa muddooyinkan isku uruursanayay deegaannada hoos yimaada magaalada, halkaas oo marar badan ay kasoo duubeen muuqaallo hanjabaad ah oo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan isbeddelkii ka dhacay Baydhaba.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa hadda deggan, inkastoo la hadal hayo dagaallada soo noq-noqday ee u dhexeeya labada dhinac.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyadoo haatan Baydhaba ay ka socoto qaban qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo la filayo inuu ka qayb-galayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan magaaladaasi.

Si kastaba, dagaalka tooska ah ee u dhexeeya labada garab ee isku haya Koonfur Galbeed, waxaa barbar socda mid kale oo Digital ah, kaas oo uu Lafta-gareen kula wareegay bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News