26.4 C
Mogadishu
Saturday, July 4, 2026

Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay guluf dagaal oo kama dambeys ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay bilaabi doonto guluf dagaal oo kama dambeys ah oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, isaga oo xusay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa khatarta ay kooxda ku hayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka adkeeyay in Ciidamada Qalabka Sida, oo garabsanaya shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ay sii laba jibbaari doonaan howlgallada ka socda deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa kale oo tilmaamay in qorshahooda ugu weyn uu yahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay shacabka u soo bandhigi doonaan qorshe cusub oo lagu dardargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isla markaana qorshahaasi uu ka koobnaan doono tallaabooyin ciidan  iyo kuwo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, si loo xaqiijiyo guul waarta.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Shabaab waa dhib badan yahay waa qaab daran yihiin waa dad xun oo maskaxda laga dhaqay maankooda uu gaaban yahay”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in ujeeddada ugu weyn ay tahay in la xaqiijiyo amni waara, la’iskuna waddooyinka xiran, iyadoo shacabka loo abuurayo fursado nololeed oo wanaagsan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada qaranka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo dib u dhiska dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News