Ciidamada TPLF oo go’doon lagu geliyey gobol muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Huwanta ee Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qabsadeen jidka isku xira magaalooyinka Woldia iyo Mekelle kaaso ah mid Istaraatiiji u ah dagaalka ka socdo dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalana ciidamada TPLF laga qabsaday dhowr magaalo oo muhiim ah.

Maleeshiyada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Woldiya iyo Mekalle isku xirto ay u difaacan lahaayeen si aan looga qabsan balse ugu dambeyntii dagaalka waa looga awood roonaaday, sida ay sheegatay warbaahinta dowladda.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, waxaana la rumeysan yahay inay istaagi doonto saanaddii ciidan iyo gurmadkii TPLF uga imaan jiray Maqale

Dowladda ayaa sheegatay in dagaalkii ugu dambeeyey ee dhacay ayaa dhowr jiho looga jabiyey ciidamada TPLF, kuwaas oo hadda isaga baxay magaalooyin ay gacanta ku hayeen, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac xoog leh oo soo kala gaaray Laba dhinac.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada isku dhafka ah ay la wareegeen deegaanka buuraleyda ah ee Zobl iyo magaalooyin kale oo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin Arjo, Fokisa iyo Booren.

Sidoo kale, Dowladda ayaa sheegtay inay dib ula wareegtay magaalooyinka Diri Roka iyo Sodoma oo ah magaalo istiraatiiji ah isla markaasnaa ay hadda ciidamada u dhaqaaqeen dhanka magaalada Hara.

Dhanka Wuchale, waxay ciidamadu qabsadeen silsiladda istaraatiijiga ah ee buuraha Ambassel, Robit, Golbo iyo Mille Kotcha oo ka tirsan degmada Worebabo, sidoo kale dhanka Kolbon ee degmada Habru iyo deegaannada Merka iyo Faji ayaa lasoo warinayaa in ciidamada Dowladda ay socod ku mareen Magaalada Mersa.

Ma jirto illaa hadda illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada ciidamada Dowladda ee ah inay qabsadaan magaalooyinka, waxaana magaalooyinka qaar ka go’an isgaarsiinta.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda wuxuu bartiisa facebook ku soo qoray iney ciidamadooda u ruqaansadeen dhanka magaalada Gaashana.

Isaga oo intaa ku daray iney u egtahay iney ciidamadooda meel istaajin kartaa jirin ilaa ay cadowgu ku dhawaaqaan dagaalka iney joojiyeen.

Isaga oo farriintiisa ku soo afmeeray su’aal ah, isku day inaad ogaato halka xiga ee ay ciidamadooda ku istaagi doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii