Midowga Murashaxiinta oo ku dhowaaqay shirweyne iyo tallaabo ay qaadayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa lagu shaciyey in ay magacaabayaan guddi qaban-qaabi doona Shirweyne dhawaan dhici doona oo ay ka qayb-gelayaan waxgaradka bulshada Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo dalka iyo guddiga amniga Shirweynaha, taaas oo ka dhigan in ay abaabulayaan cudud ciidan.

Golaha Midowg Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in mar walba ay u taagan yihiin xaqiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla oggolyahay.

“Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka Golaha ayaa lagu sheegay in 10-kii December ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada.

“Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, “Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed. Si loo taaba-geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa:”

1 – Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha
2 – Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha